Mareykanka iyo Ruushka oo hadalo kulul is-dhaafsadey

Image
Quwadaha aduunka ayaa hadaladan isku-weedaarsadey shir golaha ammaanka ka yeeshay xiisadda Ukraine.

WASHINGTON, USA - Maraykanka iyo Ruushka ayaa isku qabtey xiisadda Ukraine intii uu socday shirka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo Washington ay ka digtay dagaal "argagax leh" haddii Moscow ay go'aansato inay weerarto deriskeeda iyo in diblumaasiyiinta Ruushka ay ka ciyaari doonan halis ka dhalata isku dhacyada dhanka militariga.

Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Linda Thomas-Greenfield, ayaa golaha u sheegtay intii lagu guda jiray fadhi gaar ah oo furnaa Isniintii in duulaanka Ruushka ee Ukraine uu halis gelinayo ammaanka caalamka.

Dhankiisa, Ergeyga Ruushka ee Qaramada Midoobay Vasily Nebenzya ayaa ku eedeeyay Washington iyo xulafadeeda inay durbaanka tumayaan khatarta dagaalka in kasta oo Moscow ay si isdaba joog ah u beenisay in ay qorsheyneyso duullaan.

Toddobaadkii hore, maamulka Biden wuxuu u dhiibay jawaab qoraal ah Moscow oo qeexaysa mowqifka Washington ee xiisadda; waxa ay diiday dalabkii Ruushka ee ahaa in la joojiyo balaadhinta bariga ee NATO balse waxa ay albaabada u furtay wada xaajoodka tillaabooyinka xakamaynta hubka ee bariga Yurub.

Laakiin Isniintii, Nebenzya ayaa mar kale yiri "Ukraine waa in laga mamnuucaa inay ku biirto NATO". Waxa uu sidoo kale dhaleeceeyay taageerada milatari ee reer galbeedka ee Kyiv, isagoo sheegay inay sii hurinayaan colaadda bariga Ukraine.

Milateriga Ruushka ayaa ciidamo ku uruurinayey meel u dhow xuduudka dalkaasi uu la wadaago Ukraine, taasoo dhalisay xiisad diblomaasiyadeed, waxayna sare u qaaday cabsida Mareykanka iyo Yurub ka qabaan in Moscow ay isu diyaarineyso duullaan soo socda.

Ruushka ayaa diiday inuu qorsheynayo inuu duulaan ku qaado, balse wuxuu si weyn uga soo horjeestay dadaalka Ukraine ay ugu biireyso NATO. Moscow way doonaysaa in la damaanad qaado in xulafada uu Maraykanku hogaaminayo ay joojiyaan balaadhinta ay ku samaynayaan jamhuuriyadii hore ee Soofiyeedka, laakiin Washington iyo NATO ayaa diiday dalabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Israel u Weerartey Suuriya Gaar Ahaan Magaalada Dimishiq?

Weerarkan ayaa yimid kadib markii ay ciidamada dowladda Suuriya galeen gobolka…

  • Caalamka

    16-07-2025

  • 09:18PM

Masar oo Soo Dhawaysay Balanqaadka Trump ee xalinta Khilaafka Webiga Nile

Madaxweynuhu wuxuu si kulul u dhaliilay mashruuca biyo-xireenka Itoobiya, isagoo xusay in uu xannibayo biyihii webiga Nile.

  • Caalamka

    16-07-2025

  • 06:51AM