Mareykanka iyo Shiinaha oo heshiis ka gaarey qadiyada Taiwan

Image
Ku dhawaaqista ayaa imaaneysa iyadoo ay sii kordheyso xiisada u dhaxeysa Taiwan iyo Beijing.

WASHINGTON, USA - Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa sheegay in isaga iyo dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping ay ku heshiiyeen inay u hoggaansamaan "heshiiska Taiwan".

Mr Biden wuxuu u muuqday inuu tixraacayo siyaasaddii Washington ee ahayd "in kaliya ay jirto hal China" taasoo uu ay ku aqoonsatay Shiinaha kuna qaadacay Taiwan.

Si kastaba ha ahaatee, heshiiskan ayaa sidoo kale u oggolaanaya Washington inay sii waddo "xiriir aan rasmi ahayn" oo ay la leedahay Taiwan.

Ku dhawaaqista ayaa imaaneysa iyadoo ay sii kordheyso xiisada u dhaxeysa Taiwan iyo Beijing.

Shiinaha ayaa afar maalmood oo xiriir ah u diray aagga difaaca hawada ee Taiwan tiradii ugu badneyd oo diyaarado ah, taas oo falanqeeyayaasha qaarkood ay ku sheegayaan in loo arki karo digniin loo diray madaxweynaha Taiwan ka hor maalinta qaran ee Jasiiradda.

Taiwan waxay leedahay dastuur u gaar ah, milatari, iyo hoggaamiyeyaal si dimuqraadi ah loo soo doortay, waxayna isu aragtaa in ay tahay dowlad madaxbannaan.

Beijing, si kastaba ha ahaatee, waxay u aragtaa Taiwan inay tahay gobol ka go'ay mana meesha ka saarin inay suuragal tahay in xoog loo adeegsado si loo gaaro midaynta Jasiiradda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM