Mareykanka: Biden oo booqasho lama filaan ah ku tagay Kyiv

Image
Hogaamiyaha Ukraine ayaa booqashadda Biden wuxuu ku tilmaamay "calaamad muujineyso taageero muhiim ah".

WASHINGTON, USA - Madaxweynaha Mareykanka ayaa Isniinta maanta ah waxa uu safar lama filaan ah ku tagay caasimadda Ukraine ee Kyiv halkaasoo si diiran uu ugu soo dhaweeyay dhigiisa waddankaas.

Joe Biden oo warbaahinta ka hadlay ayaa waxa uu ballan qaaday in la kordhinayo hubka la siinayo Ukraine kahor sanadguuradii koowaad ee duullaanka Ruushka ee dalkaas.

Booqashadan ayaa timid iyadoo Beijing ay si kulul uga hadashay sheegashada Mareykanka ee ah in Shiinuhu uu ka fiirsanayo inuu hub u diro Ruushka si uu uga caawiyo dagaalka Ukraine.

Ukraine ayaa lagu qiyaasaa inay ku gubanayso kumanaan madfac bishiiba marka loo eego warshadaha difaaca ee Midowga Yurub ay hadda awoodaan inay soo saaraan.

Zelensky, madaxweynaha Ukraine oo dhankiisa la hadlay warfidiyeenka, ayaa wuxuu bogaadiyay booqashada Biden isaga oo ku tilmaamay "inay tahay calaamad muhiim ah oo taageero ah".

"Joseph Biden, ku soo dhawoow Kyiv! Booqashadaadu waxay calaamad aad u muhiim ah u tahay taageerada dhammaan dadka reer Ukraine," ayuu Zelensky ku yiri muuqaal uu faafiyey.

Midowga Yurub iyo Maraykanka ayaa si adag ula safan Ukraine tan iyo markii Moscow ay billowday duullaankeedasanad ka hor, iyadoo Kyiv siisay hub iyo gargaar maaliyadeed oo balaayiin Yuuro ah.

Axadii asbuucan, xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in Shiinuhu uu hadda "ka fiirsanayo in uu taageero dilaa ah" siiyo Moscow oo u dhexeysa "saanadda iyo hubka laftooda".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM