Mareykanka: Muwaadiniin Shiinees ah oo lagu dhex-dilay beer

Image
Booliska ayaa xabsi u taxaabay hal qof kaasoo la tuhunsan yahay in uu ka dambeeyay falkan khaarijinta ah.

WASHINGTON, United States - Hal eedeysane ayaa loo heystaa dilkii afar qof oo Shiinees ah kuwaasoo Axadii lagu dhex-khaarijiyey beer xashiishka ah oo ku taal miyiga gobolka Oklahoma ee dalka Mareykanka, sida ay sheegeen baarayaal.

Wu Chen, oo 45 jir ah, ayaa xabsi loo taxaabay Talaadadii meel 1,500 mayl (2,400km) u jirta gobolka Florida, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan taliska booliska.

Meydadka ayaa la helay ka dib markii booliiska uu soo wacay qof ku wargeliyay dad lagu haysto meel u dhow magaalada Hennessey, oo 55 mayl waqooyi ka xigta magaalada Oklahoma.

Oklahoma ayaa kamid ah gobolada ku yaala Mareykanka ee laga ogol-yahay beerida ama ka ganacsiga xashiishadda caafimaadka leh. Ma cadda in beertu ay sharciyeysan tahay.

Bilayska ayaa sheegay in tuhmanuhu uu soo galay beerta xashiishka abaare 17:45 wakhtiga maxaliga ah (23:45 GMT) Axadii, markaasoo ay ku jireen "shaqaale dhowr ah".

Warbixinta booliska ayaa intaas ku daraysa in dilkaasi uusan u muuqan mid si bareer ah u dhacay, waxaana loo badinayaa in ninka dilka geystay ay garanayeen dadka la dilay.

Bisha Maarso, codbixiyayaasha Oklahoma ayaa go'aansan doona in loo sharciyeeyo xashiishka iyo in kale. Wadar ahaan, 21 gobol Ameerkaan ah ayaa oggol isticmaalka madadaalada ee xashiishadda, halka 37 gobol ay u ogolaadaan arrimo caafimaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Shirkii ugu horreeyay ee “Board of Peace” ku qabtay Washington 

Trump ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha guddiga ay ballanqaadeen $7 bilyan oo loogu talagalay dib-u-dhiska Gaza.

  • Caalamka

    19-02-2026

  • 08:30PM

Israa’iil oo carqaladeysay gargaarkii Gaza xili ay jirto xabbad-joojin

Gudaha Gaza, dhaqdhaqaaqyada u baahan isku-duwidda ciidamada Israa’iil ayaa iyaguna la kulmaya caqabado.

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 08:22AM