Mareykanka oo askar looga dilay qarax ka dhacay Afghanistan

Image

KABUL, US – Saddex askari oo Ameerikaan ah iyo qandaraasle ayaa lagu dilay qarax miino oo lagu weeraray xerada ugu wayn ee ciidamada Mareykanka ee ku taala meel ku dhow caasimada Afghanistan ee Kabul.

Milatariga Mareykanka ayaa si lamid ah xaqiijiyay in weerarkaasi looga dhaawacay saddex kale, kuwaasi oo xaaladooda waqti xaadirkaan lagula tacaalayo isbitaal ku dhex-yaala gudaha saldhigaasi.

Taliban oo ka fal-celisay falkaasi ayaa dusha saartay mas'uuliyada dhacdadaasi oo ay ku tilmaamtay in uu ahaa weerar is-miidaamin oo gaari loo adeegsaday.

Kooxda oo fahfaahin ka bixineysa qaabka uu u dhacay weerarka ayaa sheegtay in is-miidaamiyaha uu ku qarxiyay gaariga uu watay meel ku dhow xeradaasi oo ku taala gobolka Parwan.

Bishii hore ayay ahayd markii askari Mareykan ah lagu dilay dalkaasi isaga oo howlgal ku jira. Weerarkii Isniinta ayaa noqonaya mid kamida kuwii ugu khasaaraha badnaa taariikhda.

Madaxwayne Ashraf Ghani, oo ka hadlay shirka dhaqaalaha aduunka bishii Janaayo, ayaa sheegay in 45-kun askar laga dilay wadankaasi tan iyo markii uu xafiiska yimid sanadkii 2014-kii.

Sidda laga soo xigtay warbaahinta maxaliga ah, Mareykanka waxaa kaga sugan Afghanistan wadar ahaan askar tiradoodu ay gaareyso 14-kun oo ka caawiya dowlada dagaalka kooxaha argagixisada ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nepal: Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo is-casilay xilli ay socdaan rabshado xooggan

Bayaan kasoo baxay ciidanka ayaa lagu sheegay in milaterigu uu si buuxda ugu heellan yahay "difaaca madaxbannaanida dalka.

  • Caalamka

    09-09-2025

  • 12:51PM

Xuutiyiinta Yemen oo diyaarado drones ah ku weeraray Israel

Weerarkan ayaa muujinaya sida xiisadaha siyaasadeed ee gobolka ay u saameeyeen ammaanka Israel iyo wadamada deriska ah.

  • Caalamka

    08-09-2025

  • 12:57PM