Mareykanka oo awood dheeraad ah siiyay Qatar

Image

DOHA, Qatar - Mareykanka ayaa Qatar gacanta u geliyay awood diblomaasi, oo uusan horey u siin dal kamid ah kuwa Khaliijka Carabta ee xulufada la ah.

Mareykanka ayaa Qatar kula heshiiyey inay ku matasho danaheeda diblamaasiyadeed ee Afgaanistaan, waana wakiilkii ugu horreeyay ee Washington ku yeelato Kabul tan iyo markii uu Ciidamadiisa ka baxeen bishii August 31.

Wasiirka arrimaha dibadda Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani iyo dhigiisa Mareykanka Antony Blinken ayaa jimcihii kala saxiixday heshiis“istaraatiji”, kaasoo dhigaya in Qatar ay qaadan doonto doorka ilaalinta danaha Afgaanistaan.

"Qatar waa xulufo muhiim ah oo qeyb ka ah xasiloonid kusoo celinta gobolka," Bilinken ayaa sidaasi yiri, isagoo la hadlayay warbaahinta kadib markii Washington ku kulmeen dhigiisa Qatar Shalay.

Al Thani wuxuu yiri: "Waxaa naga go'an inaan gacan ka geysanno xasilloonida Afgaanistaan ​​iyo badbaadada iyo wanaagga dadkiisa."

Tani waxay awood u siinaysaa Maraykanka inuu sii wado wadahadalka uu la leeyahay dawladda ku meel gaarka ah, ee Taliban dhistay kadib la wareegistii dalka labo bilood kahor.

"Qatar waxa ay safaaradeeda Afgaanistaan ​​ka samayn doontaa qayb danaha Maraykanka ka shaqeysa, oo qabata adeegyo qunsuliyadeed oo ay la socoto xaaladda iyo ammaanka xarumaha dublamaasiyadeed ee Maraykanka ee Afgaanistaan," Blinken ayaa yiri sidaasi.

Heshiisyada Mareykanka iyo Qatar ayaa imaanaya xilli Mareykanka iyo dalal kale ay isku heystaan ​​sidii ay ula macaamili lahaayeen Taliban iyo Afgaanistaan ​​oo ay soo food saartay dhibaato bini’aadinimo.

Qatar waxay xiriir dhow la yeelatay Taliban, iyadoo martigelisay xafiiska kaliya ee kooxda ku leedahay meel ka baxsan Afgaanistaan ​​2013.

Doha, ayaa ahayd goobtii ay Taliban iyo Mareykanka ku wada xaajoodeen 2018-kii, kadibna ay ku galeen heshiis Feb 2020 kaasoo horseeday ka bixitaanka Ciidamada isbaheysiga ee Mareykanka iyo NATO.

Guushii Taliban waxay keentay in balaayiin doollar oo gargaar shisheeye ah laga jaro dalka. Maraykanku wuxuu xayiray in ka badan $9 bilyan kaydka bangiga dhexe ee Afgaanistaan.

Ma jiro waddan si rasmi ah u aqoonsaday Taliban. Kooxdu waxay dib uga laabatay ballan qaadyadii ahaa ka mid ahaanshiyaha siyaasadeed ee dawladdeeda waxayna dhinac ka dhigtay haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM