Mareykanka oo badalay luuqada qaraar uu ka gudbiyay xaalka Gaza

Image
Washington ayaa waxa ay dooneysaa in qaraarkan uu helo taageerada Golaha Ammaanka.

WASHINGTON, United States - Mareykanka ayaa waxa uu dib u habeyn ballaaran ku sameeyay luqadda qaraar qabyo ah oo uu u gudbiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Qaraarkan ayaa lagu taageerayaa "xabad joojin degdeg ah taasoo muddo ku siman ku dhawaad ​​lix toddobaad ah laga hirgelinayo magaaladda Gaza ee dhulka Falastiin".

Xabad-joojinta ayaa, sidda ku cad qaraarka, waxaa weheliso sii deynta dhammaan la haystayaasha," sida lagu sheegay qoraalka ay aragtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Dib u eegistii saddexaad ee qoraalka - ayaa markii ugu horreysay uu Maraykanku soo jeediyay laba toddobaad ka hor - hadda waxay ka tarjumaysaa hadallo qaawan oo ay jeedisay madaxweyne ku xigeenka Kamala Harris.

Qabyo-qoraalka hore ee Maraykanku wuxuu muujiyay taageerada "xabad joojin ku meel gaar ah" si loo  joojiyo xasuuqa ay Israel ka geysaneyso dhulka la go'doomiyey Falastiiniyiinta.

Dowladda Mareykanka ayaa waxa ay doonaysaa in la helo dhamaan taageero kasta oo Golaha Ammaanka ee xabbad joojinta lagu xiro sii deynta la haystayaasha lagu haysto Gaza.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM