Mareykanka oo cadaadis xooggan saaraya Masar iyo Qatar

Image
Biden ayaa Madaxda labada dal ka codsaday inay XMS ku qanciyaan heshiis.

Qasa (GO) - Warbaahinta Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday in madaxweyne Joe Biden uu bilaabay cadaadis xooggan uu saarayo dhammaan dhinacyada(Masar iyo Qatar) inay heshiis xabbad-joojin ah ka gaaraan Qasa ka hor inta aan la gaarin bisha Ramadaan.

Warsidaha “Axios” ayaa sheegay in Madaxweynaha Mareykanka uu xiriir la sameeyay Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani iyo Madaxweynaha Masar Abdel Fattah Al-Sisi, si loo hormariyo dadaalada socda ee lagu doonayo in heshiis xabad joojin la gaaro.

Axios oo soo xiganaysa saraakiil Maraykan ah ayaa sheegtay in Biden uu labada hoggaamiye ka codsaday inay Xamaas ku qanciyaan inay oggolaadaan heshiiska maxaabiista lagu sii deynayo.

Maraykanka, Masar iyo Qatar ayaa soo bandhigay heshiis ay Israa’iil ku sii deyn doonto ilaa 400 oo maxaabiis falastiiniyiin ah – oo ay ku jiraan 15 lagu helay dambi ah inay dileen Israa’iiliyiin.

Taa beddelkeeda, Xamaas waxa ay sii dayn doontaa ilaa 40 lahayste oo Israa’iiliyiin ah, oo ay ku jiraan haween, rag da’doodu ka weyn tahay 50 jir, iyo kuwa ay xaaladdooda caafimaad halis tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM