Mareykanka oo cunaqabateyn kusoo rogay Turkiga

Image

WASHINGTON, US – Maamulka madaxweyne Donald Trump ee Mareykanka ayaa Isniintii wuxuu daaha ka rogay in uu cunaqabateyn uusan fahfaahin ka bixin kusoo rogay xulufadiisa ka tirsan Gaashaanbuurta NATO ee Turkiga.

Mike Pompeo, xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka oo war-saxaafadeed soo saarey, ayaa sheegay in talaabadan ay qaadeen ay si toos ah ula xiriirto iibsashada Ankara ee nidaamka difaaca Ruushka.

Xayiraadda ayaa dhabaha u xaari karta isku-dhac horleh oo dhexmara labada dal xilli madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Joe Biden, uu isku diyaarinayo in uu si rasmi ah ula wareego xukunka USA.

Pompeo ayaa sheegay in Turkiga u fasaxay Ruushka in uu dhexgalo nidaamka difaaca Gaashaanbuurta NATO iyo ciidankiisa.

Hasa ahaatee, wasaaradda difaaca Turkiga oo meesha ka saartey jiritaanka wararkaas ayaa ku adkeysatay in ay xaq u leedahay in ay soo iibsato nidaamka difaaca Russia ayna cid kale kala tashaneyn.

"Turkiga wuxuu qaadayaa talaabo kasta oo hoboon oo uu uga aargudanayo go'aanka aan cadaaladda ahayn ee Mareykanka," ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga.

Turkiga iyo Mareykanka ayaa sanadihii dambe isku hayey arrimo ay kamid yihiin iibsashada nidaamka difaaca Russia, dhaqdhaqaaqa Ankara ee Suuriya, colaada Armenia iyo Azerbaijan si lamid ah qadiyada bariga Mediterranean-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM