Mareykanka oo difaacay mowqifkiisa dacwada laga gudbiyay hogaanka Yahuuda

Image
Washington ayaa sheegtay in aysan isku dhigmin kiiska laga gudbiyay Yahuuda iyo midka ka dhanka ah Ruushka.

WASHINGTON, USA - Matthew Miller, oo ah afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, ayaa ka hadlay farqiga u dhexeeya jawaabta Washington ee Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC) ee soo xiritaanka saraakiisha Ruushka iyo Israel.

"Uma maleynayo in ay jirto wax u dhigma kiiska ay ICC ku soo bandhigtay Ruushka iyo kiis ay ku soo oogtay Israa'iil," Miller ayaa u sheegay suxufiyiinta.

"Ruushka ma aha dimoqraadiyad, ma laha nidaam sharci oo madax banaan oo shaqeeya, ma baarayo xadgudubyada sharciga caalamiga ah ee bini'aadantinimada ee askartiisa," ayuu yidhi.

"Israa'iil waa ka soo horjeeda dhammaan kiisaskaas: dimuqraadiyad leh nidaam maxkamadeed oo madax-bannaan oo leh boqollaal kiisas furan oo lagu eedaynayo askarteeda."

Faallooyinka ayaa yimid iyadoo Mareykanka uu wajahayo dhaleeceyn isa soo tareysa oo ku saabsan u janjeerta hannaanka sharciga ee Israa’iil, in kasta oo askarta Israa’iil aysan waligood maxkamad lagu soo oogin anshax-xumo, oo ay ku jiraan dilalka muwaadiniinta Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM