Mareykanka oo duqeeyay xarumaha kooxo ay Iran taageerto

Image

WASHINGTON, USA - Mareykanka ayaa qaaday wareeg kale oo cirka ah oo ka dhan ah kooxaha hubaysan ee Iran ay taageerto ee Ciraaq iyo Syria, iyadoo looga jawaabayo weerarada diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee ka dhanka ah shaqaalaha iyo xarumaha Mareykanka ee Ciraaq, waxaana maleeshiyada ay ku hanjabeen inay aargudanayaan.

Bayaan ay soo saareen Axadii, militariga Mareykanka waxay ku sheegeen inay bartilmaameedsadeen goobaha hawlgallada iyo keydinta hubka ee laba goobood oo Suuriya ah iyo hal goob oo Ciraaq ah.

Ma aysan sheegin inay rumeysan tahay in qof dhintay ama dhaawacmay, laakiin kooxda la socodka arrimaha xuquuqda aadanaha ee Suuriya oo fadhigeedu yahay Britain ayaa waxay daaha ka rogtay in ugu yaraan shan dagaalame la dilay dhowr kalena la dhaawacay.

Wakaalada wararka u faafisa Syria ee magaceeda loosoo gaabiyo SANA oo si kooban uga hadashay ayaa waxay daabacdey in hal cunug ku dhintey ugu yaraan seddex qof oo kalena la dhaawacay.

"Mareykanku wuxuu qaaday tallaabo lagama maarmaan ah, ku habboon, oo ula kac ah oo loogu talagalay in lagu xaddido halista sii kordheysa - laakiin sidoo kale inuu diro farriin cad oo aan mugdi ku jirin," John Kirby, afhayeenka Pentagon, ayaa sidaas ku yiri qoraal uu soo saaray.

Weeraradan ayaa ku yimid amarka Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, waana markii labaad oo uu amrayo weeraro aargudasho ah oo lala beegsanayo maleeshiyada Iran taageerto tan iyo markii uu xafiiska la wareegay shan bilood ka hor.

Biden ayaa wuxuu amar ku bixiyay duqeyn xaddidan oo lala beegsado bartilmaameedyo ku yaala gudaha Suuriya bishii Febraayo, xilligaas oo looga jawaabayay weerarada gantaallada ee waddanka Ciraaq.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo weli la la’yahay kaddib fatahaado ka dhacay Texas

Biyaha xooggan ayaa si lama filaan ah u dhex maray xerada, iyadoo ay jiiteen guryaha jiingadaha ah ee dadka hurday.

  • Caalamka

    09-07-2025

  • 05:17AM

Madaxweyne Trump oo Sheegay in Maraykanka uu Wadahadallo la Yeelanayo Iran

Wadahadalladii lixaad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan 15-kii Juun.

  • Caalamka

    08-07-2025

  • 11:58AM