Warbixinta baarista dilkii Khashoggi oo la daabacayo

Image

WASHINGTON, USA – Mareykanka ayaa lagu wadaa inuu soo saaro warbixin ku saabsan baaritaanka dilkii loo gaystay saxafiga Sacuudiga u dhashay ee Jamal Khashoggi. Warbixinta waxaa la filayaa in ay si weyn u dhaawici doonto Amiirka awooda badan ee boqortooyada.

Madaxweyne Joe Biden ayaa la sheegay in uu akhriyey warbixinta waxaana lagu wadaa inuu la hadlo boqorka Sacuudi Carabiya.

Mr Biden wuxuu doonayaa inuu "dib u qiimeeyo" xiriirka uu la leeyahay Riyadh oo karaarsiiyey maamulkii madaxweyne Donald Trump.

Meydka Khashoggi ayaa lagu jarjaray gudaha qunsuliyada Sacuudiga ee magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Dhaxalsugaha boqorka Sacuudiga, Maxamed bin Salman wuu diiday inuu ku lug lahaa.

Suxufiga, oo caan ku ahaa dhaleeceynta uu u jeedinayo mas'uuliyiinta Sacuudiga, ayaa tagay qunsuliyadda bishii Oktoobar 2018 si uu uga helo waraaqo u oggolaanaya inuu guursado.

Masuuliyiinta Sucuudiga waxay sheegeen in dhimashadiisa iyo jarjarka jirkiisa ay ka dhalatay "hawlgal aan fiicnayn" oo ay sameeyeen koox wakiilo ah oo loo diray in ay ku celiyaan boqortooyada.

Shan qof ayay dil toogasho ah ku xukuntay maxkamad ku taal Sacuudiga, balse waxaa loogu bedelay 20 sano oo xabsi ah bishii Sebtember ee la soo dhaafay kadib faragelin ka timid boqortooyadda. Shaki xoogan ayaa ku xeeran in ay cadaalad ahayd maxkamaddeynta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM