Warbixinta baarista dilkii Khashoggi oo la daabacayo

Image

WASHINGTON, USA – Mareykanka ayaa lagu wadaa inuu soo saaro warbixin ku saabsan baaritaanka dilkii loo gaystay saxafiga Sacuudiga u dhashay ee Jamal Khashoggi. Warbixinta waxaa la filayaa in ay si weyn u dhaawici doonto Amiirka awooda badan ee boqortooyada.

Madaxweyne Joe Biden ayaa la sheegay in uu akhriyey warbixinta waxaana lagu wadaa inuu la hadlo boqorka Sacuudi Carabiya.

Mr Biden wuxuu doonayaa inuu "dib u qiimeeyo" xiriirka uu la leeyahay Riyadh oo karaarsiiyey maamulkii madaxweyne Donald Trump.

Meydka Khashoggi ayaa lagu jarjaray gudaha qunsuliyada Sacuudiga ee magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Dhaxalsugaha boqorka Sacuudiga, Maxamed bin Salman wuu diiday inuu ku lug lahaa.

Suxufiga, oo caan ku ahaa dhaleeceynta uu u jeedinayo mas'uuliyiinta Sacuudiga, ayaa tagay qunsuliyadda bishii Oktoobar 2018 si uu uga helo waraaqo u oggolaanaya inuu guursado.

Masuuliyiinta Sucuudiga waxay sheegeen in dhimashadiisa iyo jarjarka jirkiisa ay ka dhalatay "hawlgal aan fiicnayn" oo ay sameeyeen koox wakiilo ah oo loo diray in ay ku celiyaan boqortooyada.

Shan qof ayay dil toogasho ah ku xukuntay maxkamad ku taal Sacuudiga, balse waxaa loogu bedelay 20 sano oo xabsi ah bishii Sebtember ee la soo dhaafay kadib faragelin ka timid boqortooyadda. Shaki xoogan ayaa ku xeeran in ay cadaalad ahayd maxkamaddeynta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo sheegtay in taageerada milatari ee Sacuudiga aysan ku jirin weerar ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen

Al-Sisi ayaa sheegay in Masar ay difaaci doonto dhulka Sacuudiga, balse aysan ka qeyb qaadan doonin weerarro ka dhan ah Yemen.

  • Caalamka

    22-10-2026

  • 11:02AM

Ilhan Omar oo sheegtay inay ka guureyso gurigeeda Washington kadib baaritaanka FBI-da

Sida ay sheegtay, baaritaanku wuxuu socday afar ilaa shan saacadood, waxaana lala baxay 17 shay oo ay ku jiraan taleefanno.

  • Caalamka

    22-10-2026

  • 07:51AM