Mareykanka oo "fashiliyay" gantaal ay soo rideen Xuutiyiinta Yemen

Image
Gantaalkan ayaa waxaa lagu waramay inuu ku wajahnaa markab laga leeyahay dalka Singapore.

DOOXA, Qadar - Taliska Dhexe ee Milliteriga Maraykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in markab Maraykanku leeyahay uu soo riday laba gantaal oo nooca Ballistic-ga ah, sidda uu ku faafiyay bartiisa X (Twitter).

Warka qoraalka ah ayaa waxaa lagu sheegay in talaabadan uu markabka qaadey xilli uu ka jawaabayay weerar ay Xuutiyiintu ku qaadeen Markab ganacsi.

"Markabka Maersk Hangzhou ee kontaynarrada ayaa dalbaday gargaar ka dib markii uu sheegay in lagu dhuftay gantaal xilli uu marayay badda cas ee koonfurta," ayuu taliska CENTCOM sheegay.

War-saxaafadeedka ayaa wuxuu intaas ku daray: "Maraakiibteena USS Gravely iyo USS Laboon waxay ka jawaabeen codsigii markabka laga leeyahay dalka Singapore oo Denmark leeyahay".

"Iyadoo jawaabta laga bixinayo, USS GRAVELY waxay soo ridday laba gantaal oo lidka maraakiibta ah oo laga soo tuuray aagga ay Xuuthiyiinta ka taliso ee Yemen oo ku wajahan maraakiibta," ayuu sii raaciyay.

Taliska CENTCOM ayaa qoraalkooda waxa ay kusoo gabagabeeyeen: "Markabku waxaa lagu soo waramayaa inuu yahay mid badeed, mana jiraan dhaawacyo la soo sheegay".

Xuutiyiinta ayaa dhowrkii todobaad lasoo dhaafay waxay waddeen weeraro ay sheegeen in ay ku garab-istaagayaan Xamaas iyo Falastiiniyiinta ayna beegsanayaan maraakiibta gacan-saarka la leh xulafada Yahuuda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo la filayo inay ka hesho Shiinaha gantaallo lagu soo rido diyaaradaha

Haddii heshiiskan la fuliyo, wuxuu muujinayaa inuu sii xoogeysanayo iskaashiga militari ee u dhexeeya Shiinaha iyo Iran.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 10:35AM

Mareykanka iyo Sacuudiga oo Weerar ku qaaday Kooxo Iran Taageerto oo ku sugan Ciraaq

Kooxda Ciidamada Abaabulka Shacabka (PMF) ee Ciraaq, oo xiriir dhow la leh Iran, ayaa sheegtay in ugu yaraan 20 dagaalyahan lagu dilay.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 09:40AM