Mareykanka oo "gabaad-siiyey" dhaxal-sugaha Sacuudiga

Image
Go'aankan ayaa la xiriira kiiska dilka wariyihii wargeyska Washington Post ee Jamal Khashoggi.

WASHINGTON, USA - Mareykanka ayaa go'aamiyay in dhaxalsugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya, Mohammed bin Salman, aan dacwad la xiriirta dilka wariye Jamal Khashoggi looga furi karin gudaha waddankaas.

Khashoggi, oo mucaarad weyn ku ahaa nidaamka haatan ka jira waddanka Sacuudiga, ayaa lagu dilay gudaha qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul bishii Oktoobar 2018.

Sirdoonka Mareykanka oo baaritaan u madax-banaan ku sameeyay kiiskan ayaa shaaca ka dhigay inay rumeysan yihiin in Amiir Maxamed uu amray khaarijinta saxafiga.

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka oo warqad u dirtey maxkamadda ayaa sheegtay in uu leeyahay xasaanad, sababtuna tahay xilkiisa cusub ee ra'iisul wasaaraha Sacuudiga.

Gabadhii u doonaneyd Mr Khashoggi ee Hatice Cengiz ayaa barteeda Twitter-ka ku soo qortay in “Jamal uu maanta mar kale dhintay” kadib markii maxkamada ay taageertay hadalka wasaaradda.

Iyada oo ay weheliso kooxda u dooda xuquuqda aadanaha ee Dimuqraadiyadda Dunida Carabta Now (Dawn), oo uu aasaasay Mr Khashoggi - waxay Mareykanka ka doonayeen in ay dacwad kusoo oogaan Maxamed bin Salman.

Ololahooda ayaa wuxuu ku eedaysay hogaamiyaha Sucuudiga iyo saraakiishiisa in ay "afduubteen, xidhxidheen, daroogaysteen oo jirdileen, oo ay dileen weriye Maraykan ah iyo u doodihii dimuqraadiyadda Jamal Khashoggi".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo soo riday diyaarad, duuliye Mareykanka oo la raadinayo

Tehran ayaa kaga jawaabtay weerarro diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ah oo lagu beegsaday Israa’iil, iyo sidoo kale Urdun.

  • Caalamka

    03-04-2026

  • 06:19PM

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM