Mareykanka oo Golaha Amamanka horgeeyay qaraar la xiriira Gaza

Image
Qaraarkan ayaa waxa uu ka dhashay soo jeedin ka timid madaxwayne Joe Biden.

MUQDISHO, Soomaaliya - Mareykanka ayaa sheegay inuu doonayo in golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu meel mariyo qaraar lagu taageerayo soo jeedinta ka timid madaxweyne Joe Biden ee lagu soo afjarayo dagaalka Israa'iil ee Gaza.

Qaraarkan ayaa loo qeybiyay qoraal qabyo ah isaga oo ka kooban hal bog oo lawada gaarsiiyay dhamaan 15 xubnood ee uu ka kooban yahay Golaha Ammaanka.

Sidoo kale, qaraarku wuxuu u baahan yahay ugu yaraan sagaal cod oo taageersan mana jiro diidmo uu illaa haatan kala kulmay Mareykanka, Faransiiska, Ingiriiska, Shiinaha ama Ruushka.

Qabyo-qoraalka "wuxuu ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay in dhinacyadu u hoggaansamaan qodobbada heshiiska marka la isku raaco, iyada oo ujeedadu tahay in la joojiyo colaadda joogtada ah."

"Madax iyo dowlado badan oo uu ku jiro gobolka ayaa taageeray qorshahan, waxaana ugu baaqaynaa golaha ammaanka inay ku biiraan si ay ugu baaqaan hirgelinta heshiiskan iyadoon dib u dhac iyo shuruudo kale jirin," ayay tiri safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM