Mareykanka oo Iran kahor istaagey Shir ay marti-gelin lahayd

Image

TEHRAN - Afhayeen u hadlay Hay'adda Badaha Aduunyada ayaa sheegay in golahooda fulintu ay maalintii shalay ay ogolaadeen soo jeedin ka timid Maraykanka, oo Iran looga joojiyay inay martigeliso Shirka sanadlaha ee IMO.

Soo jeedinta Maraykanka ayaa ku saabsanayd in laga laabto go'aan isla golaheen dalalka Ururka ku jira sanadkii 2014 kaasi oo Iiraan u ogolaaday in ay marti-geliso shir arimaha Badaha looga hadli lahaa kaasi oo dhici lahaa bisha October ee inagu soo wajahan.

Maraykanka ayaa ku eedeeyay in Iiraan ay khal-khal ku hayso Maraakiibta biyaha Caalamiga ah isla markaana bishaan bilawgeedi ay isku dayday in ay qabsato markab shidaal oo dalkiisa laga leeyahay.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Iran Nasser Kan'ani ayaa sheegay in tillaabada uu qaaday Maraykanka oo taageero ka helaya UK, ay muujisay cadaawadda ay u hayaan dalkiisa.

Kan'ani ayaa intaa ku daray in tallaabadan ay mucaaradad xooggan kala kulmeen xubno badan oo golaha ka tirsan oo diiday ama ka aamusay soo jeedinta Mareykanka, isagoo carrabka ku adkeeyay in haddii la iska indho-tiro go'aannadii hore ee ururka ay wax u dhimayso madax-banaanidiisa iyo kalsoonida lagu qabo.

Golahan ayaa waxaa xubno ka ah 40 dowladood balse wuxuu go'aanku waji gabax ku noqonayaa Iiraan oo dadaal ku bixinaysay in uu dalkeeda ka qabsoomo shirkaani.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM