Mareykanka oo joojiyey gargaar cunto oo nafbadbaadin u ahaa malaayiin carruur ah
WASHINGTON – Dowladda Maraykanka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Donald Trump ayaa si qarsoodi ah u joojisay gargaarkii cunto ee degdegg ahaa ee la gaarsiin jiray dalal ay Soomaaliya ka mid tahay, taas oo khatar weyn ku ah malaayiin carruur ah oo la daalaa dhacaya nafaqo-xumo daran.
Gargaarkan ayaa ka koobnaa cunto nafaqo sare leh oo loo yaqaan cunto-daaweysan, laguna quudiyo carruurta si fudud, iyada oo aan la marin xarumo caafimaad. Waxaa soo saari jiray labo shirkadood oo Mareykan ah oo caan ku ah samaynta cuntooyinkaasi – Mana Nutrition iyo Edesia. Cuntooyinkaan ayaa sanadihii dambe lagu badbaadiyay boqolaal kun oo carruur ah oo xaaladdoodu ay aad u liidatay.
Bishii hore, warar soo baxay ayaa muujiyay in qandaraasyadii shirkadahaan ay la lahaayeen hay’adda horumarinta Mareykanka (USAID) dib loo soo celiyay, kaddib markii Elon Musk uu si dadban arrinta u xaliyey. Hase yeeshee, shirkadaha ayaa sheegay in qandaraasyadaas dib loo soo celiyay ay khuseeyeen dalabyo hore oo la fulinayay – halka dhammaan dalabyadii cusub iyo kuwa la qorsheeyay sannadka 2025 la baajiyay si aan faahfaahin lahayn.
Arrintan ayaa ka dhigaysa in in ka badan 3 milyan oo carruur ah oo ku sugan Soomaaliya, Bangladesh iyo dalal kale, ay waayaan gargaarkii naf-badbaadinta ahaa ee loo ballanqaaday.
Sidoo kale, shirkadaha dhoofinta cuntadaan ayaa weli sugaya heshiisyo cusub oo ay ku gaarsiiyaan cuntada meelaha loo baahan yahay, taasoo keentay in tobanaan kun oo kartoon cunto ah ay ku jiraan bakhaarro ku yaal gudaha Mareykanka, halkii ay gaari lahaayeen caruur u dhimanaysa baahi darteed.
Cilmibaareyaal caafimaad iyo ururo samafal ayaa uga digay Dowladda Mareykanka in go’aankaan uu sababi karo dhimasho baahsan, gaar ahaan carruurta da’doodu ka yar tahay 5 sano, kuwaas oo marka nafaqo-xumadu gaarto heer daran aan xitaa awoodin inay dareemaan gaajo.
Waxay dalbadeen in si degdeg ah dib loogu noqdo qorshaha gargaarka, loona oggolaado shirkadaha inay gaarsiiyaan cuntooyinkaan-daaweysan kuwaas oo si weyn loogu tijaabiyay inay sare u qaadaan badbaadada carruurta xaaladooda halista ah.
GAROWE ONLINE