Mareykanka oo ka cabsi qabo awoodda sii kordheysa ee militariga shiinaha

Image
SAWIR HORE

WASHINGTON, Mareykanka - Sarkaal sare oo Maraykan ah ayaa shaaca ka qaaday Isniintii in Maraykanku uu doonayo in uu soo saaro meelo kala duwanna u kala qeybyo kumanaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah labada sano ee soo socota si uu u wajaho tirada ciidamada Shiinaha oo ka sara maray.

Wakaalladda Wararka Faransiiska oo soo xiganaysa Kathleen Hicks oo ah ku xigeenka Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka ayaa sheegtay in Shiinuhu uu Maraykanka ka sarre maray markii la eego tirada ciidankooda iyo agabkooda Millateri, maadaama uu haysto tiro badan oo Maraakiib dagaal, Gantaallo iyo Askar ah.

Hicks ayaa xustay in yoolka Pentagon-ka uu yahay "in la geeyo diyaraadahaas oo kumnaan gaaraya meelo kala duwan, 18 ilaa 24 bilood ee soo socda."

Saraakiisha Mareykanka ayaa marar badan xaqiijiyay in dalkoodu uu doonayo in uu ka fogaado iska hor imaad toos ah oo kala dhaxeeya shiinaha, gaar ahaan marka la eego xiisadda u dhaxeysa labada dal ee ku saabsan Taiwan.

Sannadka 2021, Shiinuhu wuxuu ku dhawaaqay inuu kordhayay miisaaniyadiisa sanadlaha ah ee militariga 6.8%, awooddaas milatari oo sii kordheysa ayaa walaac ku heysa reer galbeedka iyo Maraykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM