Mareykanka oo ka digay ku xadgudubka xuquuqul insaanka

Image

WASHINGTON, USA – Ma jiro dal laga aqbalayo in uu ku tuntay xuquuqda aadanaha ama xuquuqaadka aas-aasiga ah iyadda oo qiil laga dhiganayo Covid-19, sidda uu cod dheer uga digtay dowladda Mareykanka.

Inkasta oo uusan soo bandhigin talaabada ay qaadayaan, wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken, ayaa diray digniintan iyadda oo dalal ay ku jirto Soomaaliya laga soo warinayo xadgudubyo.

"Dalalka waa in lagula xisaabtamaa in ay dhaqan-geliyaan waajibaadkooda [ilaalinta] xuquuqda aadanaha. Waddanna marmarsiyo kama dhigan karo Covid-19 si uu ugu xadgudbo xuquuqul insaanka ama xorriyadda aas-aasiga ah," ayuu Blinken yiri isaga oo la hadlaya xubnaha baarlamaanka.

Washington ayaa kamid ah wadamadda sidda dhow ula socda xaalada Soomaaliya isla markaana saameynta ku leh go’aanadda masiiriga ah ee dhanka doorashooyinka oo khilaaf weyn uu ka taagan yahay.

Madaxwaynaha waqtiga ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wajahaya eedeymo ku saabsan in uu ciidamadda u adeegsaday caburinta banaanbaxyaal si nabdoon fekerkooda ku muujinayey.

Falkaas oo dhacay Jimcadda todobaadkii lasoo dhaafay waxaa cambaareeyay Midowga Musharaxiinta oo xubno kamid ah ay ka qeybgaleen mudaaharaadka, waddamo waaweyn iyo urur ay Soomaaliya kamid tahay.

Musharaxiinta oo rasaasta lagu furay ku sifeeyay "fal-dambiyeed" iyo "isku day dil oo dhameystiran" ayaa ku goodiyey in ay ku dacweyn doonan Farmaajo oo qudhiisa haatan doonaya in uu taladda dalka sii joogo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ilhan Omar oo u mahadcelisay taageerayaasheeda kaddib baaritaan lagu sameeyay gurigeeda

Ilhaan Cumar ayaa muddo dheer ka mid ahayd dadka sida weyn u dhaliila madaxweyne Donald Trump iyo siyaasaddiisa socdaalka.

  • Caalamka

    21-10-2026

  • 05:22AM

Pete Hegseth oo kulan qarsoodi ah la yeeshay Netanyahu gudaha Israa’iil

Wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay in aysan isla markiiba si madax-bannaan u xaqiijin karin booqashada.

  • Caalamka

    20-10-2026

  • 05:36AM