Mareykanka oo ka digay ku xadgudubka xuquuqul insaanka

Image

WASHINGTON, USA – Ma jiro dal laga aqbalayo in uu ku tuntay xuquuqda aadanaha ama xuquuqaadka aas-aasiga ah iyadda oo qiil laga dhiganayo Covid-19, sidda uu cod dheer uga digtay dowladda Mareykanka.

Inkasta oo uusan soo bandhigin talaabada ay qaadayaan, wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken, ayaa diray digniintan iyadda oo dalal ay ku jirto Soomaaliya laga soo warinayo xadgudubyo.

"Dalalka waa in lagula xisaabtamaa in ay dhaqan-geliyaan waajibaadkooda [ilaalinta] xuquuqda aadanaha. Waddanna marmarsiyo kama dhigan karo Covid-19 si uu ugu xadgudbo xuquuqul insaanka ama xorriyadda aas-aasiga ah," ayuu Blinken yiri isaga oo la hadlaya xubnaha baarlamaanka.

Washington ayaa kamid ah wadamadda sidda dhow ula socda xaalada Soomaaliya isla markaana saameynta ku leh go’aanadda masiiriga ah ee dhanka doorashooyinka oo khilaaf weyn uu ka taagan yahay.

Madaxwaynaha waqtiga ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wajahaya eedeymo ku saabsan in uu ciidamadda u adeegsaday caburinta banaanbaxyaal si nabdoon fekerkooda ku muujinayey.

Falkaas oo dhacay Jimcadda todobaadkii lasoo dhaafay waxaa cambaareeyay Midowga Musharaxiinta oo xubno kamid ah ay ka qeybgaleen mudaaharaadka, waddamo waaweyn iyo urur ay Soomaaliya kamid tahay.

Musharaxiinta oo rasaasta lagu furay ku sifeeyay "fal-dambiyeed" iyo "isku day dil oo dhameystiran" ayaa ku goodiyey in ay ku dacweyn doonan Farmaajo oo qudhiisa haatan doonaya in uu taladda dalka sii joogo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM