Mareykanka oo ka hadlay agabka uu kaga soo tagay Kabul

Image

KABUL, Afghanistan - Waxaa soo baxay sawirro dagaalyahannada kooxda Taliban oo wata qalab milateri oo ay ciidammada Mareykanka kaga tageen garoonka diyaaradaha Kabul ee Hamid Karzai.

Guud ahaan 73 diyaaradood, ku dhawaad ​​100 baabuur iyo qalab kale ayay ciidamada Maraykanku ka tageen markii ay ka baxeen waqtigii loo qabtay ee 31 Ogosto.

Laakiin, madaxa taliska dhexe ee Mareykanka Gen Kenneth McKenzie ayaa sheegay in dhammaantood laga dhigay wax aan suurtagal ahayn in la isticmaalo.

"Diyaaradahaas mar dambe ma duuli doonaan," ayuu yiri isaga oo shir jaraa'id kula hadlaya warbaahinta maxaliga ah ee magaalada Washington waxyar kadib bixitaanka askarta Ameerikaanka.

Diyaaradaha laga tagey waxaa kamid ah: Helicopters nooca MD-530, oo loo adeegsado sirdoonka iyo duqeymaha Diyaaradaha A-29 oo loo adeegsado weerarada fudud, kuwaasoo qiimahoodu yahay $10m.

Taliban ayaa sugeysay amaanka banaanka Garoonka Hamid Karzai International Airport oo labo todobaad ka socotay daad-gureyn xoogan oo ay wadeen dowladaha caalamka ee reer Galbeedka.

Ciidamada ajnabiga ee kasoo baxay madaarka waxay daabuleen in ka badan 120,000 oo qof oo reer Afghanistan ah kuwaasoo la shaqeynayay mudadii ay dalka joogeen oo ah wax ka badan 20-sano.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM