Mareykanka oo ka laabtay $10 milyan oo dul-dhigtay madaxa Hogaamiyaha Suuriya

Image

DIMISHIQ - Mareykanka ayaa meesha ka saaray 10 milyan oo dollar oo abaal marin ah oo la saarey madaxa hogaamiyaha Suuriya ka dib markii wafdi heer sare ah oo Mareykan ah ay la kulmeen Jimcihii shalay.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Bariga Dhexe Barbara Leaf, oo ka mid ah saddex sarkaal oo Maraykan ah oo la fadhiistay Ahmad al-Sharaa magaalada Dimishiq, ayaa ku tilmaantay go'aanka "siyaasadda cusub" oo la jaan qaadaysa baahida loo qabo in laga wada shaqeeyo "arrimaha muhiimka ah" sida la dagaallanka argagixisada. .

Al-Sharaa waa hogaamiyaha kooxda Hayat Tahrir al-Sham (HTS).

Kulanka Al-Sharaa, oo loo yaqaano Abu Mohammad al-Jolani, ayaa hoosta ka xariiqay dadaalka degdegga ah ee Mareykanka uu ku doonayo inuu kula macaamilo dowladda ku meel gaarka ah ee Suuriya si loo hubiyo in dalkaasi uusan dib ugu soo laaban Daacish taasoo saraakiisha Mareykanka ay ka digeen inay isku dayaan inay dib isu abaabulaan.

Beesha caalamku waxay sidoo kale ku degdegtay inay taageerto mabaadi'da loogu talagalay in lagu hago dawladda cusub ee Suuriya, taas oo calaamad u ah ka bixitaanka xukunka arxan darada ahaa ee Bashaar Al-Asad.

Leaf waxay ku tilmaantay kulankoodii Dimishiq mid "aad u wanaagsan." Ilo kale oo xog-ogaal u ah kulanka ayaa sheegay in uu socday wax ka yar laba saacadood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM