Mareykanka oo ka walaacsan qorshe uu damacsan yahay Ruushka

Image

DAKAR — Xoghayaha Arrimaha Dibeddda Mareykanka Antony Blinken ayaa Sabtidii ku celiyey in dalkiisa uu “walaac dhab ah” ka qabo ficillada iyo hadallada Ruushka ee ku wajahan Ukraine, ayada oo xiisad ay sare usii kaceyso.

“Walaac dhab ah ayaan ka qabnaa dhaq-dhaqaaqyada militari ee aan caadiga aheyn ee Ruushka uu ka wado xuduudda Ukraine. Walaac dhab ah ayaan ka qabnaa hadallada qaar ee aan aragno kana maqalno dhanka Ruushka iyo baraha bulshada,” ayuu Blinken u sheegay weriyayaasha isaga oo booqasho ku jooga dalka Senegal.

Blinken ayaa sheegay in walaacyada ay “si weyn ula qabaan” xulufada Mareykanka, hase yeeshee waa uu diiday inuu sheego haddii sirdoonka Mareykanka ay rumeysan yihiin in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu qorsheynayo inuu qabsado dhul ka mid ah Ukraine.

“Ma naqaan waxa uu damacsan yahay madaxweyne Putin. Hase yeeshee waxaan ognahay wixii horey u dhacay. Waan ognahay xeeladda ah in la isku dayayo hurinta daan-daansi dhallanteed ah oo ka yimaada Ukraine ama dal kadibna qiil looga dhigto wixii ay Russia horey u qorsheyneysay,” ayuu yiri Blinken.

Waxa uu tixraacayey xasaradihii qarxay 2014-kii markii Ruushka ay qabsadeen jasiirad u yaalla Crimea kadib markii la riday dowladdii Ukraine ee diiday tallaabooyin ku wajahnaa Reer Galbeedka.

Moscow ayaa sidoo kale xilligaas taageertay gooni u goosato dagaal ka wada bariga Ukraine oo ay degan yihiin dad badankood ku hadla luuqadda Ruushka.

Putin ayaa Khamiistii ku eedeeyey dalalka Reer Galbeedka inay kasii darayaan khilaafka Ukraine ayaga oo dhoola-tus ka sameynaya Badda Madow, islamarkaana diyaaradaha xambaara bambooyinka ku duulinaya meel u dhow xuduudda Russia.

AFP

Related Articles

Netanyahu oo Mareykanka ugu baaqay inuusan Turkiga ka iibin diyaaradaha F-35

Turkiga wuxuu ka tirsanaa waddamada iskaashiga ku lahaa soo saarista diyaaradda F-35, wuxuuna qorsheynayay inuu iibsado in ka badan 100 diyaaradood.

  • Caalamka

    06-07-2026

  • 08:43PM

Trump Oo Farageliyey: FIFA Oo U Fasaxday Cayaaryahan Horey Loo Siiyey Kaarka Cas

Go’aankan ayaa yimid kadib markii ilo xog-ogaal ah ay sheegeen in Madaxweynaha…

  • Caalamka

    06-07-2026

  • 06:33AM