Mareykanka oo ku baaqay in Gaza laga hirgeliyo xabad-joojin degdeg ah

Image
Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris ayaa fariintan hawada soo marisay.

WASHINGTON, United States - Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris ayaa ku baaqay xabbad joojin deg deg ah oo laga sameeyo Gaza, waxayna ku qeexdey xaaladda Qaza "mid aad u ba'an."

Intii lagu guda jiray hadallo ay ka jeedisay Alabama oo lagu xusayay sannad-guuradii 59-aad ee Axaddii Dhiig-baxa, Harris ayaa sheegtay in xabbad-joojintu ay keeni karto la haystayaal iyo in gargaar la gaarsiiyo Gaza.

"Marka la eego baaxadda dhibaatada Gaza, waa in ay jirtaa xabbad joojin degdeg ah ugu yaraan lixda toddobaad ee soo socota, taas oo ah waxa hadda miiska saaran," ayay raacisay.

"Tani waxay noo ogolaanaysaa inaan dhisno wax sii waaraya si loo hubiyo in Israa'iil ay ammaan tahay iyo in aan ixtiraamno xuquuqda dadka Falastiiniyiinta ee sharafta, xorriyadda iyo aayo-ka-tashiga," ayay tiri.

Munaasabadda Axadii Dhiig-baxa ayaa ah maalintii saraakiisha sharciga gobolka Alabama ay weerareen dibadbaxayaasha Xuquuqda Madaniga ah ee buundada Edmund Pettus ee Selma.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka iyo Sacuudiga oo Weerar ku qaaday Kooxo Iran Taageerto oo ku sugan Ciraaq

Kooxda Ciidamada Abaabulka Shacabka (PMF) ee Ciraaq, oo xiriir dhow la leh Iran, ayaa sheegtay in ugu yaraan 20 dagaalyahan lagu dilay.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 09:40AM

Midowga Yurub: Dhammaan Dowladuhu Waa Inay La Shaqeeyaan Maxkamadda ICC

Afhayeenka Guddiga Yurub Anouar El Anouni, oo ka hadlay shir jaraa’id oo Talaadadii dhacay…

  • Caalamka

    28-07-2026

  • 04:23PM