Mareykanka oo ku goodiyay aargoosi kadib askar laga khaarijiyay

Image
Falkan ayaa Axadii waxa uu ka dhacay xuduudka u dhaxeeya dalalka Jordan iyo Suuriya.

WASHINGTON, USA - Wasiirka Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin, ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay isla markaana uga murugooday dilkii loo geystay saddex askari oo Mareykan ah oo ku sugnaa xuduudka u dhexeeya Urdun iyo Suuriya.

Austin ayaa hadalkiisa ku soo beegay ka dib hadallo uu horay u jeediyay Madaxweyne Biden, isagoo ku eedeeyay kooxo taageero ka helaya Iran inay ka dambeeyeen weerarkaas, isagoo ballanqaaday inay “ka jawaabi doonaan xilli iyo goob ay iyagu doortaan”.

“Waxaanu madaxweynaha isku raacnay in aanan marnaba u dulqaadan doonin weerarada ka dhanka ah ciidamadeena," ayuu Austin ku yiri hadal kooban uu warbaahinta siiyay.

Waxa uu hadalkiisa intaas kusii daray: "Waxaan qaadi doonnaa tallaabooyin kasta oo lagama maarmaan ah si aan u difaacno Mareykanka, ciidamadeena, iyo danaha aan leenahay".

Saddex askari Ameerikaan ah ayaa ku geeriyootay in ka badan 20 kalana way ku dhaawacmeen markii weerar loo adeegsaday drone lagu beegsaday xero ay ku leeyihiin sohdinta Jordan iyo Suuriya halkaas oo ay joogitaan ku lahaayeen askartan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM