Mareykanka oo lagu cambaareeyay is-hortaagga xabad-joointa Gaza

Image
Qaraarkaas waxaa soo jeediyay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay kaasoo dhaliilay falka Mareykanka.

NEW YORK, USA - Wadamada kala duwan iyo kooxaha xuquuqul insaanka ayaa sii wada in ay muujiyaan sida ay uga xun yihiin fashilka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ku aadan meelmarinta qaraarka xabad-joojinta bini'aadantinimo ee Marinka Gaza.

Wasaarada arrimaha dibadda ee Cumaan ayaa tiri: "Isticmaalka diidmada qayaxan ee golaha ammaanka ayaa ceeb ku ah xeerarka bani'aadamnimada. Waxaan aad uga xumahay in Maraykanku uu nafta dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan u huro qadiyadda Sahyuuniyadda".

Wasaaradda arrimaha dibadda Iran: "Amir-Abdollahian ayaa sheegay in ilaa iyo inta Maraykanku uu taageerayo sii socoshada dagaalka, ay suurtogal tahay in "qarax aan la xakamayn karin" uu ka dhaco gobolka".

Ra'iisul Wasaaraha Malaysia ayaa dhankiisa waxa uu ka dhawaajiyay: "Anwar Ibrahim ayaa muujiyay sida uu uga soo horjeedo diidmada Maraykanka ee qaraarka".

"Waa wax lala yaabo oo ka baxsan caqliga aadanaha marka ay jiraan dhinacyo taageersan oo ka aamusan xasuuqa carruurta iyo haweenka aan waxba galabsan iyo sidoo kale dadka rayidka ah," ayuu ku dhajiyay ciwaankiisa X (Twitter).

Mareykanka ayaa waxa uu is-hortaagay in Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay uu meelmariyo qaraar xeerinaya in Gaza laga sameeyo xabad-joojin. Qaraarkaas waxaa soo jeediyay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay kaasoo dhaliilay falka Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo la filayo inay ka hesho Shiinaha gantaallo lagu soo rido diyaaradaha

Haddii heshiiskan la fuliyo, wuxuu muujinayaa inuu sii xoogeysanayo iskaashiga militari ee u dhexeeya Shiinaha iyo Iran.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 10:35AM

Mareykanka iyo Sacuudiga oo Weerar ku qaaday Kooxo Iran Taageerto oo ku sugan Ciraaq

Kooxda Ciidamada Abaabulka Shacabka (PMF) ee Ciraaq, oo xiriir dhow la leh Iran, ayaa sheegtay in ugu yaraan 20 dagaalyahan lagu dilay.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 09:40AM