Mareykanka oo lagu cambaareeyay is-hortaagga xabad-joointa Gaza

Image
Qaraarkaas waxaa soo jeediyay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay kaasoo dhaliilay falka Mareykanka.

NEW YORK, USA - Wadamada kala duwan iyo kooxaha xuquuqul insaanka ayaa sii wada in ay muujiyaan sida ay uga xun yihiin fashilka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ku aadan meelmarinta qaraarka xabad-joojinta bini'aadantinimo ee Marinka Gaza.

Wasaarada arrimaha dibadda ee Cumaan ayaa tiri: "Isticmaalka diidmada qayaxan ee golaha ammaanka ayaa ceeb ku ah xeerarka bani'aadamnimada. Waxaan aad uga xumahay in Maraykanku uu nafta dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan u huro qadiyadda Sahyuuniyadda".

Wasaaradda arrimaha dibadda Iran: "Amir-Abdollahian ayaa sheegay in ilaa iyo inta Maraykanku uu taageerayo sii socoshada dagaalka, ay suurtogal tahay in "qarax aan la xakamayn karin" uu ka dhaco gobolka".

Ra'iisul Wasaaraha Malaysia ayaa dhankiisa waxa uu ka dhawaajiyay: "Anwar Ibrahim ayaa muujiyay sida uu uga soo horjeedo diidmada Maraykanka ee qaraarka".

"Waa wax lala yaabo oo ka baxsan caqliga aadanaha marka ay jiraan dhinacyo taageersan oo ka aamusan xasuuqa carruurta iyo haweenka aan waxba galabsan iyo sidoo kale dadka rayidka ah," ayuu ku dhajiyay ciwaankiisa X (Twitter).

Mareykanka ayaa waxa uu is-hortaagay in Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay uu meelmariyo qaraar xeerinaya in Gaza laga sameeyo xabad-joojin. Qaraarkaas waxaa soo jeediyay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay kaasoo dhaliilay falka Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo joojiyey gargaar cunto oo nafbadbaadin u ahaa malaayiin carruur ah

Cilmibaareyaal caafimaad iyo ururo samafal ayaa uga digay Dowladda…

  • Caalamka

    18-04-2025

  • 06:35AM

Trump oo Xiraya 10 Safaaradood iyo 17 Qunsuliyad, si u dhimo Miisaaniyada Dibadda

Qunsuliyadaha la soo jeediyay in la xiro ayaa inta badan ku yaal Yurub, kuwaasoo ay ku jiraan goobo dalxiis oo ay jecel yihiin Mareykanka.

  • Caalamka

    16-04-2025

  • 09:31AM