Mareykanka oo Qadar ka iibinaya hub ku kacaya hal bilyan doolar

Image
Dooxa ayaa jawaabtan wuxuu ka sugaayey dhigiisa Maraykanka in ka badan sanad.

WASHINGTON, United States - Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa ogolaatay in nidaamka ka hortagga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn laga iibiyo Qatar, sidda ay shaacisay Waaxda Pentagon.

"Iibintan la soo jeediyay waxay taageeri doontaa siyaasadda arrimaha dibadda iyo ujeedooyinka amniga qaranka ee Maraykanka iyada oo gacan ka geysanaysa hagaajinta amniga waddan saaxiib ah oo sii ahaanaya xoog muhiim u ah xasilloonida siyaasadeed iyo horumarka dhaqaale ee Bariga Dhexe," ayaa lagu qoraal kasoo baxay Pentagon-ka.

Heshiiskan ayaa ku kacaya hal bilyan doolarka Mareykanka. Balse, bayaanka wasaaradda gaashaandhiga Mareykanka ayaan lagu caddeyn waqtiga la dhameystiri doono heshiiskan.

Dalka Qatar ayaa jawaabtan wuxuu ka sugaayey dhigiisa Maraykanka in ka badan sanad. Hadafka waa in ay iibsato afar diyaaradood nooca dagaalka ee MQ-9B Predator ah.

Talaabadan ayaa la sheegay in ay qeyb ka tahay heshiis lagu qiyaasay $600 milyan oo dollar oo xukuumadda Dooxa ay kor ugu qaadeyso nidaamkeeda difaaca.

Rajada laga qabo horumarka laga gaarayo heshiiskan kala iibsiga hubka ayaa sarre u kacdey bishii Janaayo markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu Qatar u aqoonsadey xulafo weyn oo aan Nato ahayn.

Bishan November, Qatar waxay heshiis gaas ah oo 27 sano ah la gashay shirkadda Sinopec ee Shiinaha, waxayna Talaadadii heshiis gaas ah oo 15 sano ah la gashay Jarmalka.

Qatar ayaa sidoo kale waxay martigelisaa Al Udeid, oo ah saldhigga ciidamada cirka ee Maraykanka iyo xarunta hore ee hawlgalinta dhammaan ciidamada Maraykanka ee Bariga Dhexe, oo sidoo kale loo yaqaan Centcom.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo soo riday diyaarad, duuliye Mareykanka oo la raadinayo

Tehran ayaa kaga jawaabtay weerarro diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ah oo lagu beegsaday Israa’iil, iyo sidoo kale Urdun.

  • Caalamka

    03-04-2026

  • 06:19PM

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM