Mareykanka oo raaligelin ka bixiyey "gef" lagula kacay madaxweyne

Image

ISLAMABAD, Pakistan – Safaaradda Mareykanka ee Pakistan ayaa waxay bixisay raaligelin markii ciwaankeeda rasmiga ah ee Twitter-ka lagu faafiyey [retweeted] qoraal madaxweynaha dalkaas, Arif Alvi, ku qeexay "kelitaliye".

Cambaareyn ka dhan ah Washington ayaa baraha bulshadda qabsatay waxyar kadib qoraalkaas iyaddoo si xoogan looga codsaday cudurdaar.

Qoraalka lagu faafiyey barta Twitter-ka ee Howlgalka diblumaasiyadeed ee Mareykanka ku leeyahay Islamabad waxaa Talaadadii todobaadkan soo qoray Ahsan Iqbal, oo ah xubin ka tirsan Baarlamaanka ee Pakistan.

Iqbal ayaa dhankiisa faafiyey sawir uu kasoo qaadey warbixin lagu daabacay Washington Post oo ciwaankeedu ahaa Guuldarada [Madaxweynaha Mareykanka Donald] Trump waxay dharbaaxo ku tahay kelitaliyeyaasha iyo hogaamiyeyaasha xukunka jecel".

"Mid ayaan anaga noo jooga Pakistan. Dhowaan ayaa la tusi doonaa albaabka," ayuu Iqbal ku yiri qoraalka uu soo dhigay boggiisa Twitter-ka.

Hashtag-ka #ApologiseUSembassy [#RaaligelinSafaaraddaMareykanka] ayaa ku wargeliyey safaaradda in ciwaankeeda lagu faafiyey qoraalkii Iqbal ee madaxweynaha Pakistan ku qeexay in uu kelitaliye yahay.

Safaaradda Ameerikaanka ayaa durba waxay kasoo falcelisay qoraalkaas, iyaddoo xustey "in akoonkeeda xalay la isticlaamay ogolaanshiyo la'aan".

"Safaaradda Mareykanka ma taageerto faafinta farriimaha siyaasadeed. Waxaan ka cudur daaraneynaa jahwareer kasta oo ka dhalan kara qoraalka aan la fasaxin," ayay safaaradda ku tiri qoraal ay soo dhigtay Twitter-ka.

Pakistan iyo Mareykanka oo xiriir diblumaasiyadeed oo rasmi ah yeeshay 1947-kii ayaa iska kaashada dhinacyadda la dagaalanka argagixisada iyo ganacsiga, waxaana cilaaqaadkooda sanadihii u dambeeyay ahaa mid gaabis ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

RW Pakistan: Guul Taariikhi ah baan ka gaarnay dagaalka India

Dowladda India ay si adag ugu eedeysay Pakistan inay jebisay heshiisyadii hore ee xabbad-joojinta.

  • Caalamka

    10-05-2025

  • 09:39PM

Putin oo La Kulmay Al-Siisi oo ka qeybgalay Xuska Guusha Dagaalkii 2aad ee Adduunka

Dhanka kale, kulankii uu la yeeshay Madaxweynaha Brazil, Lula da Silva, Putin ayaa uga mahadceliyay booqashada uu ku yimid Ruushka.

  • Caalamka

    10-05-2025

  • 03:46PM