Mareykanka oo sheegay in Iran xiriir la leedahay Al-Qaacida

Image

WASHINGTON, US - Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Mike Pompeo, ayaa Talaadadii wuxuu sheegay in Al-Qaacida ay saldhig cusub ka sameysatay gudaha waddanka Iiraan, wallow uusan bandhigin caddeymo xoojinaya sheegashadiisa.

Pompeo oo ka hadlay magaaladda caasimadda ah ee Washington ayaa sheegay in hogaanka Al-Qaacida - si gaar ah amiirkooda Ayman Al-Zawahiri iyo ku xigeenadiisa - ay u wareegeen Iiraan.

Xukuumadda Tehran oo si degdeg ah uga falcelisay sheegashadaas ayaa ganafka ku dhufatay eedeymahaas.

Wasiirka arrimaha dibadda Iran, Mohammad Javad Zarif oo qoraal cambaareyn ku faafiyey bartiisa gaarka ah ee Twitter, ayaa ku eedeeyay Pompeo "dhiiragelinta been-abuur".

Hadalka Pompeo ayaa kusoo aadaya wax kayar sideed maalmood kahor inta uusan madaxweyne Donald Trump xilka si rasmi ah uga degin.

Maamulka Donald Trump ayaa siyaasad adag kula macaamilay hogaanka Iiraan, taas oo xiisadda labada waddan gaarsiisay meel sarre isla markaana dhalisay in dalalka dibada ee ah wada joogaan isku beegsadaan.

Duqeyn uu amray Trump ayaa sanad kahor waxaa lagu dilay taliyihii ciidamadda sirdoonka dibadda Iiraan, Qaasim Suleymaani, kaasoo la beegsaday xilli uu kasoo degayey garoonka diyaaradaha caasimadda wadddanka Ciraaq ee Baqdaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM