Mareykanka oo sheegtey dilka horjooge ka tirsan kooxda ISIL

Image
Osama al-Muhajer ayaa ahaa hogaamiyihii kooxda Daacish (ISIS) ee bariga dalka Suuriya.

WASHINGTON, United States - Militariga Mareykanka ayaa sheegay in ay duqeyn ku dileen hogaamiyihii kooxda Daacish (ISIS) ee bariga dalka Suuriya, sidda ku xusan war-saxaafadeed lala wadaagay warbaahinta.

Weerarkan oo dhacay Jimcihii ayaa sababay dhimashada Osama al-Muhajer, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay taliska dhexe ee Maraykanka Axadii loona yaqaao CENTCOM.

Sida laga soo xigtay CENTCOM, ma jirto dad rayid ah oo lagu dilay howlgalka laakiin ciidamada isbaheysiga ayaa "qiimeynaya wararka sheegaya in uu soo gaaray dhaawac rayid ah".

Taliska CENTCOM ayaa waxa uu intaas ku daray in diyaaradihii loo adeegsaday weerarka ay dhibaato kala kulmeen diyaaradaha dagaalka Ruushka gelinkii hore ee maanta.

"Waxaan si cad u sheegaynaa in aan sii wadeyno inta Daacish looga adkaanayo gobolka oo dhan," ayuu yiri madaxa taliska dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) General Michael Kurilla.

Kurilla oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaas kusii daray: "[Jihaad-aloosyaasha] ISIS waxay weli khatar ku yihiin nabadda gobolka oo keliya balse waa ka sii fogaanayaan".

Daacish ayaa inta badan waxaa laga saarey waddanka Suuriya halkaas oo ay joogitaan badan ku lahaayeen sanadihii ugu horeeyay oo ay soo shaac-baxeen kahor inta uusan Ruushka ka caawin Dimishiq dagaal mirodhalay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM