Mareykanka oo wajahaya dhibaato cusub oo Biden ka seexan waayay

Image

WASHINGTON - Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa weydiistay Wakaaladda Ganacsiga ee Federaalka in ay eegto sababaha keenay sare u kaca ku yimid qiimaha shidaalka ee dalka oo dhan, kaasi oo uu sheegay in uu dhaawacayo dadka shaqeeya.

Madaxweynaha ayaa todobaadkii hore mudnaantiisa koowaad ka dhigay la dagaalanka sicir bararka ka dib markii ay soo baxday xog muujisay in qiimaha maciishaddu uu bsihii October gaaray heerkii ugu sarreeyay muddo 30-sano ah taasi oo sii xoojisay in ra’yiga ay dadweynaha madaxweynaha ka haystaan uu hoos usii dhaco.

Biden ayaa waraaq uu u diray Guddiga Qaran ee arrimaha Ganacsiga ee Federaalka (FTC), waxa uu farta ku fiiqay sharikadaha shidaalka oo uu sheegay in ay kordhiyeen qiimaha shidaalka, isagoo faray wakaaladdu in ay eegto in “hannaan sharci darada ah" uu keenay kor u kaca ku yimid qiimaha shidaalka.

Celcelis ahaan qiimaha halkii gaalloon ee shidaalka ayaa Isniintii ahaa saddex dollar iyo 41 senti, wuxuuna 11 cent ka sarreeyay qiimihii uu ahaa bil ka hor sida laga soo xigtay ururka gaadiidka ee AAA.

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM