Mareykanka oo xayiraad saarey mas'uuliyiin u dhashay Iiraan

Image
Xoghayaha arimaha dibada, Antony Blinken, ayaa saraakiishan ku eedeeyay "xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha".

WASHINGTON, USA - Mareykanka ayaa Isniintii ku dhawaaqay cunaqabateyn uu saaray 11 sarkaal oo ka tirsan dowladda Iran sababo la xiriira xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

“Maraykanku waxa uu dhaleeceynayaa sii wadida xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda bini’aadanka ee Iran, waxaana wali ka go’an in uu taageero dadka Iran," ayuu ku yiri xoghayaha arimaha dibada Antony Blinken.

Blinken oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaas ku daray: "Dadka Iiraan waxay wajahayaan waxashnimada taliska Iran, waxaana ay dalbanayaan in la ixtiraamo xoriyadooda aasaasiga ah".

"Maanta, Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay qaadaysaa tallaabo ay ku soo rogeyso xannibaado fiisaha… xoriyatul qawlka ama kulan nabadeed," ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Waaxda Maaliyadda ayaa sidoo kale waxay xayiraad gaar ah kusoo rogtey afar qof oo lala xiriirinayo xadgudubyo halis ah oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ka dhacay Iran.

Waxa ay sheegtay in sidoo kale ay qaadayso tallaabo ka dhan ah xoghayaha golaha sare ee hawada sare ee Iran (SCC) kaasoo ay ku eedeysay in uu mas'uul ka yahay dambiyadda xuquuqul insaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM