Mareykanka oo Xuutiyiinta u aqoonsadey urur argagixiso

Image
Tani waxay timid kadib toddobaadyo ay socdeen weeraro gantaal iyo diyaarado drone ah oo lagu qaaday maraakiibta.

WASHINGTON, USA - Dowladda Mareykanka ayaa adkeyneysa tallaabooyinkeeda ka dhanka ah kooxda Xuutiyiinta Yemen, iyadoo mar kale u aqoonsatay inay yihiin Koox Argagixiso oo Caalami ah.

Tani waxay timid kadib toddobaadyo ay socdeen weeraro gantaal iyo diyaarado drone ah oo lagu qaaday maraakiibta caalamiga ah ee maraya Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Tallaabadan ayaa sidoo kale imaaneysa ku dhawaad saddex sano kadib markii Xuutiyiinta loo aqoonsaday koox argagixiso, ka dibna laga saaray liiska sababo la xiriira walaacyo bani’aadminimo.

Go'aankan ayaa waxa uu kaloo daba-socdaa dalabaadyo isdaba joog ah oo ka yimid Mareykanka iyo dalal kale oo ku baaqayay in Xuutiyiintu joojiyaan weerarada ku wajahan maraakiibta ganacsiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo joojiyey gargaar cunto oo nafbadbaadin u ahaa malaayiin carruur ah

Cilmibaareyaal caafimaad iyo ururo samafal ayaa uga digay Dowladda…

  • Caalamka

    18-04-2025

  • 06:35AM

Trump oo Xiraya 10 Safaaradood iyo 17 Qunsuliyad, si u dhimo Miisaaniyada Dibadda

Qunsuliyadaha la soo jeediyay in la xiro ayaa inta badan ku yaal Yurub, kuwaasoo ay ku jiraan goobo dalxiis oo ay jecel yihiin Mareykanka.

  • Caalamka

    16-04-2025

  • 09:31AM