Mareykanka oo Xuutiyiinta u aqoonsadey urur argagixiso

Image
Tani waxay timid kadib toddobaadyo ay socdeen weeraro gantaal iyo diyaarado drone ah oo lagu qaaday maraakiibta.

WASHINGTON, USA - Dowladda Mareykanka ayaa adkeyneysa tallaabooyinkeeda ka dhanka ah kooxda Xuutiyiinta Yemen, iyadoo mar kale u aqoonsatay inay yihiin Koox Argagixiso oo Caalami ah.

Tani waxay timid kadib toddobaadyo ay socdeen weeraro gantaal iyo diyaarado drone ah oo lagu qaaday maraakiibta caalamiga ah ee maraya Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Tallaabadan ayaa sidoo kale imaaneysa ku dhawaad saddex sano kadib markii Xuutiyiinta loo aqoonsaday koox argagixiso, ka dibna laga saaray liiska sababo la xiriira walaacyo bani’aadminimo.

Go'aankan ayaa waxa uu kaloo daba-socdaa dalabaadyo isdaba joog ah oo ka yimid Mareykanka iyo dalal kale oo ku baaqayay in Xuutiyiintu joojiyaan weerarada ku wajahan maraakiibta ganacsiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM