Mareykanka: Ruuxii ka dambeeyay afduub oo la aqoonsadey

Image
Madaxwayne Joe Biden ayaa dhacdadan "la go'doomiyey" wuxuu ku sifeeyay "fal argagixiso".

WASHINGTON, USA - Mas’uuliyiinta dalka Maraykanka ayaa u aqoonsaday nin 44 jir ah oo u dhashay dalka Britain inuu yahay ninkii 10 saacadood afar qof ku qafaashay macbad ku yaalla Texas, ka hor inta aysan kooxda FBI SWAT weerar ku qaadin dhismaha, taasoo soo afjartay ismariwaagii adkaa ee uu madaxweyne Joe Biden ku tilmaamay "fal argagaxiso".

FBI-da ayaa ninkan magaciisa ku sheegtay Malik Faisal Akram, oo 44 jir ah, kaas oo la dilay ka dib markii si nabad ah lagu sii daayay afartii qof ee la qafaashay habeenkii Sabtida.

Bayaan ay soo saartay FBI-da ayaa lagu sheegay in aysan jirin wax muujinaya in cid kale ay ku lug leedahay. Ma aysan sheegin sababta ka dambeysay weerarka.

FBI-da iyo afhayeenada bilayska ayaa diiday inay ka jawaabaan su'aalo habeenkii Sabtida ku saabsan cidda toogtay Akram markii uu dhammaaday iska horimaadkii ka dhacay Congregation Beth Israel oo u dhow Fort Worth.

Gudaha UK, Bilayska Greater Manchester ayaa sheegay in qaybtooda la dagaalanka argagixisadu ay sameeyeen laba xarig la xiriira dhacdadan. "Laba dhalinyaro ah ayaa caawa fiidkii lagu xiray Koonfurta Manchester," ayaa lagu yiri bayaanka. "Waxay ku sii jiraan xabsiga si su'aalo loo weydiiyo."

Axadii, wasiirka arrimaha dibadda ee Britain, Liz Truss, ayaa cambaareysay afduubkii lagu qabsaday macbadka ay Yahuudu leeyihiin, kuna tilmaantay "fal argagixiso iyo nacayb ka dhan ah Yahuuda".

"Waxaan la garab taagannahay Mareykanka sidii aan u difaaci lahayn xuquuqda iyo xoriyada muwaadiniinteena ka dhanka ah kuwa faafiya nacaybka," ayuu Truss ku soo qortay Twitter.

Xaaladda afduubka ee Texas waxay u muuqatay dhacdo la go'doomiyey, hase ahaatee markii la beegsadey macbadyo ku yaala New York iyo meelo kale oo dalka ah waxaa xoojiyay ammaanka loona diray ciidamo dheeraad ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM