Mareykanka: Sharci u daneynaya Muslimiinta oo la gudbiyey

Image

WASHINGTON, USA – Illaa iyo 140 xildhibaan oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa dib u soo cusbooneysiiyey sharci ay horgeeyeen koongareeska Mareykanka ah si looga hortago xayiraad mustaqbalka lagu soo rogo Muslimiinta iyo in la mamnuuco takoorka ku saleysan Diimaha.

Xayiraadda safarka muslimiinta, ee uu soo saaray madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, waxaa lagu bartilmaameedsaday dhowr waddan oo dadka ku nool ay badi yihiin Muslimiin.

Xayiraada ayaa ahayd in dadka kasoo jeeda Iran, Kuuriyada Waqooyi, Syria, Libya, Yemen, Somalia iyo Venezuela aysan geli karin Mareykanka. Balse waxaa bishii hore soo afjaray maamulka Joe Biden.

Aqalka Wakiilada, Sharciga Ka-hortagga Takoorida Dadka Muhaajiriinta Ah (NO BAN) waxaa dib u soo saaray Jimcihii Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka ee Golaha Jerrold Nadler iyo Judy Chu, halka Golaha Guurtida uu horgeeyay Senator Chris Coons.

Xildhibaanadda Ami Bera, Ro Khanna, Pramila Jayapal iyo Raja Krishnamoorthi ayaa ka mid ah kuwa taageeraya sharciga.

Sharcigu wuxuu xoojinayaa Sharciga Socdaalka iyo Jinsiyadaha si loo mamnuuco takoorka ku saleysan diinta, wuxuuna soo celinayaa kala soocida awoodaha iyadoo la xadidayo hey'ad fulin aad u ballaaran ama in xukuumadda ay soo saari karto xayiraadaha dhanka socdaalka.

"Mamnuucida muslimiinta waxay bar madow oo aan tirmeyn ku noqotay taariikhda qarankeena taasoo xadgudub toos ah ku ah mabaadii’deena aasaasiga ah ee sinnaanta sharciga iyo xorriyadda diinta," ayay tiri Xildhibaanad Aqalka Hoose, Ilhan Cumar oo asal ahaan Soomaali ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM