Mareykanka: Weerarkii labaad oo saacado gudahooda dad lagu dilay

Image
Weerarkii hore ayaa dhacay habeenkii koowaad ee sanadka cusub 2025 iyadda oo dadka ay dabaaldagayeen.

WASHINGTON, USA - Ugu yaraan 11 qof ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday Nightclub ku yaalla magaalada New York, iyadoo khasaaraha weerar kale oo baabuur loo adeegsaday oo ka dhacay New Orleans uu gaarey 15 qof.

Waa Weerarkii 2aad oo saacado gudahooda ka dhacay Mareykanka tan iyo shalay.

Ugu yaraan 30 qof ayaa dhaawacmay markii uu nin watay baabuur uu biiray dad badan oo ku sugnaa Waddada New Orleans ee Bourbon Street ee dalka Mareykanka.

Toban qof ayaa sidoo kale la dilay, sida ay sheegtay NOLA Ready. Saraakiisha ayaa falkan ku tilmaamay Mid argagixiso.

Weerarkan ayaa dhacay habeenkii koowaad ee sanadka cusub 2025 iyadda oo dadka ay dabaaldagayeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM