Markab shidaal u dhoofinayey North Korea oo "lala wareegay"

Image
Washington ayaa sheegtay in talaabadan ay xadgudub ku tahay cunaqabateynta saaran Pyongyang. [Photo: AP]

WASHINGTON, USA - Mareykanka ayaa gacanta ku dhigay markab shidaal oo laga leeyahay dalka Singapore kaas oo loo adeegsan jiray in shidaal laGU gaarsiiyo Kuuriyada Waqooyi taas oo xadgudub ku ah cunaqabateynta caalamiga ah, sida ay sheegtay waaxda caddaaladda Ameerika.

Garsoore federaal ah oo ku sugan New York ayaa soo saaray xukun la -wareegitaan oo u oggolaanaya Mareykanka inuu lahaado lahaanshaha markabka M/T Courageous, oo hadda ku sugan Cambodia.

Markabkan oo culeyskiisu yahay 2,734-tan ayaa waxaa iibsaday muwaadin u dhashay dalka Singapore, Kwek Kee Seng, kaasoo weli baxsad ah, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Waaxda Caddaaladda Jimcihii.

War -saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in markabka loo isticmaalay in badeecadaha shidaalka lagu wareejiyo maraakiibta Kuuriyada Waqooyi iyo in si toos ah loogu dhoofiyo dekedda Nampo ee Kuuriyada Waqooyi.

Qoraalka laguma sheegin sababta aan weli loo keenin eedeymaha loo soo jeediyay Kwek in ka badan hal sano ka dib markii la qabtay markabka, laakiin waxay intaas ku dartay in maxkamad federaal ah oo New York ku taala ay go'aamisay xukunka la wareegida Jimcihii.

Kuuriyada Waqooyi waxaa saaran xayiraad Qaramada Midoobay kaga timid iyo cunaqabatayn kale oo caalami ah sababo la xiriira hubkeeda nukliyeerka iyo barnaamijyada gantaalaha ballistic-ga. Cunaqabateynta ayaa xaddideysa soo dejinta shidaalka iyo waxyaabaha kale.

Xiriirka Washington iyo Pyongyang ayaa ah mid aan wanaagsanayn, iyadoo wasiirka arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi uu bishii June meesha ka saaray wax wadahadal ah oo ay la yeeshaan Mareykanka, isagoo sheegay in wada -hadalka noocaas ah uusan meelna gaarsiin doonin.

Wadahadaladii u dhaxeeyay labada dal ayaa muddo dheer hakad ku jiray sababo ku aadan cunaqabateynta caalamiga ah ee lagu soo rogay dowladda ku faanta hubka nukliyeerka oo ah ajandaha ugu weyn ee wadaxaajoodyadda iyo in Pyongyang ay ka tanaasusho gabi ahaanba khatartan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM