Marwada Dhaxal sugaha Ingiriiska oo laga helay Kansar

Image
Kate ayaa ka soo muuqan meel fagaare ah tan iyo dhamaadkii sanadkii tagay.

London (GO) - Marwada Dhaxal sugaha Ingiriiska Kate Middleton ayaa ku dhawaaqday in laga helay cudurka kansarka iyada oo haatan marayso marxalada daaweynta kiimikaada, hadalkaasi oo amakaag ku noqday dadka dalkaas.

Hadalkan ayaa yimid ka dib markii toddobaadyo baraha bulshada lagu hadal hayay halka ay ku sugan tahay iyo xaaladeeda caafimaad tan iyo markii loo wareejiyay isbitaal bishii Janaayo laguna sameeyay qaliin caloosha ah, oo aan faahfaahin laga bixin.

Kate ayaan lagu arag meel fagaare ah tan iyo dhamaadkii sanadkii tagay ​​ilaa uu soo baxay muuqaal usbuucan laga duubay iyada iyo dhaxal sugaha Amiir William, iyagoo dhex maraya suuqa u dhow gurigooda Windsor.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM