Marwada Koowaad ee Mareykanka oo laga helay Covid-19

Image

WASHINGTON, Mareykanka - Aqalka Cad ayaa ku dhawaaqay in Marwada Koowaad Jill Biden uu ku dhacay Caabuqii Covid-19, iyada oo ka muuqata astaamo fudud, halka baaris lagu sameeyay Madaxweyne Joe Biden lagu ogaaday in uusan qabin cudurka.

“Ka dib markii Marwada Koowaad lagu arkay astaamihii cudurka (Covid 19), Madaxweyne Biden waxa uu maray tijaabada Covid fiidnimadii caawa. Waxana lagu ogaaday in uuu caafimaad qabo, "Aqalka Cad ayaa yiri.

Markii ugu dambeysay ee Biden xaaskiisa oo 72 jir ah laga helay xanuunka "Covid 19" waxay ahayd Agoosto sanadkii hore, halka madaxweynaha 80-jirka ah uu hore ugu dhacay cudurka bishii Luulyo 2022.

Agaasimaha isgaarsiinta ee marwada koowaad Elizabeth Alexander ayaa ku tiri hadal ay soo saartay: "Waxaa Marwada Koowaad Fiidkan lagu arkay cudurka (Covid-19). Waxayna sii joogi doontaa guriga."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM