Mas'uul ka cudurdaartay in uu Soomaaliya booqdey

Image

TORONTO, Canada – Xildhibaan ka tirsan golaha degaanka magaaladda Victoria ee dalka Canada, Sharmaake Dubow, ayaa raaligelin wuxuu ka bixiyey in uu u socdaalay Soomaaliya intii lagu guda jiray fasaxa damaashaadka sanadkii 2020-kii.

War-saxaafadeed uu soo dhigay ciwaanadiisa baraha bulshadda ayuu ku sheegay in uu u hogaan-samayo habraaca caafimaad ee maxaliga ah. Wuxuu intaas u daray in uu dhowr jeer tijaabo maray kadib markii uu Canada ku laabtey.

Dubow ayaa haatan karantiil ugu jira magaaladda Vancouver halkaasoo loogu geeyay adeegyadda aas-aasiga ah lana qorsheynayo in uu baaqi kusii ahaado labada todobaad ee soo aadan isaga oo kadib mari doono baaritaano.

Mudanaha ayaa ku biiray siyaasiyiin dhowr ah oo jebiyey xayiraadaha loosoo rogay Covid-19 awadeed, waxaana qaarkood ay iska-casileen xilalkii ay hayeen ka gedaal markii ay kusoo baxdey fadeexadaas aadka u xoogan.

Balse Sharmaake Dubow wuxuu ku adkeystay in uusan is-casili doonin isla markaana uu sii wadi doono in uu metelo ismaamul degaankiisa.

"Safarkan waxaan qorsheynayey sanado badan. Waxay ii ahayd markii ugu horeysay oo aan Soomaaliya tago tan iyo markii aan caruurnimadeydii uga soo cararay colaadda sokeeye awadeed 1992-dii," ayuu ku yiri bayaanka.

Wuxuu ku daray: "Waxaan fahansanahay in dad badan ay ku adkaatay in ay booqdaan ehelkooda bilooyinkii lasoo dhaafay. Waxaan ogahay in hadda aan qaatay go'aankaa noocaas ah oo aad u qaraar".

Sharmaake Dubow ayaa xubinimada golaha degaanka Victoria waxaa loo doortay 2018-ki. Sanadkaas waxay u ahayd markii ugu horeysay ee coddeynta loo ogolaadey. 2017-kii ayuu noqdey muwaadin Canada halkaasoo uu tegay sanadkii 2016-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM