Mas’uuliin ka socda Xamaas & Iiraan oo ku kulmay Doha

Image

DOHA - Ururka Xamaas ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in madaxa xafiiska siyaasadda ee ururka Ismail Haniyeh uu dalka Qatar kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda ee Iran, Hossein Amir Abdollahian, iyagoo ka wada hadlay weerarka ay ku qaadeen Israel.

Sida lagu sheegay bayaanka, labada dhinac waxay xaqiijiyeen inay sii wadayaan iskaashiga si loo gaaro yoolalka ay leeyihiin dadka Falastiiniyiinta.

Intii lagu guda jiray kulanka, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa bogaadiyay weerarka oo uu ku tilmaamay "guul taariikhi ah", isagoo xusay "in uu dib u dhac weyn ku yahay mashruucii ay Israa’iil ka wadday Falastiin iyo gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM