Masar: Ciqaab wadareed ayaa Gaza ka socda

Image

QASA - Dowlada wadanka Masar ayaa sheegtay in aan sinaba loo aqbali Karin doonista ay Israel ku doonayso in wuqooyiga marinka Gaza looga saaro dadka Halkaasi dagan.

Dadkaan oo tiro ahaan ka badan 1 milyan oo qof ayay biyihii ka goysay Israel Iyada oo u sii daysay koonfurfa si dadka waqooyigu ay koonfurfa ugu qaxaan.

Madaxweyne Alsiisi ayaa sheegay in ficilada Israel ay dhaafeen is-difaacid isla markaana ay Haatan yihiin ciqaab wadareed.

Sidoo kale Golaha Amniga Qaranka ee Masar ayaa sheegay in tilaabada Israel ku doonayso barakicinta dadka Gaza ay tahay mid ka hor imaanaysa xeerarka bini’aadannimada.

Hadalada Masar ayaa imaanaya Iyada oo uu maanta ka laabtay dalkaasi xoghayaha Arimaha Dibada Maraykanka, Antony Blinken oo shan wadan oo carab ah ku tagay kedib booqashadiisi Israel.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo joojiyey gargaar cunto oo nafbadbaadin u ahaa malaayiin carruur ah

Cilmibaareyaal caafimaad iyo ururo samafal ayaa uga digay Dowladda…

  • Caalamka

    18-04-2025

  • 06:35AM

Trump oo Xiraya 10 Safaaradood iyo 17 Qunsuliyad, si u dhimo Miisaaniyada Dibadda

Qunsuliyadaha la soo jeediyay in la xiro ayaa inta badan ku yaal Yurub, kuwaasoo ay ku jiraan goobo dalxiis oo ay jecel yihiin Mareykanka.

  • Caalamka

    16-04-2025

  • 09:31AM