Masar & Faransiiska oo ka wada shaqaynaya sidii loo dhisi lahaa dawladda Falastiin

Image
Wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska ayaa sidoo kale ka shaqaynaya sidii xabad joojin looga gaari lahaa Qasa.

Qaahira (GO) - Faransiiska ayaa maanta ku dhawaaqay inuu Masar kala shaqaynayo sidii loo dhisi lahaa dawlad Falastiini ah, ka dib markii ay Paris & Qaahira ay isla qaateen aragtidaas.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska Stephane Ségornet ayaa shir jaraa’id oo uu Qaahira kula yeeshay dhiggiisa Masar, Sameh Shoukry, ku sheegay in “Qasa ay tahay inay qayb ka noqoto dawladda soo socota ee Falastiin.”

Waxa uu intaa ku daray: "Waxaan Masar kala shaqaynaynaa sidii loo gaari lahaa dawladda Falastiin, Falastiiniyiinta iyo Israa'iiliyiintu waxay xaq u leeyihiin inay wada noolaadaan."

Ségornet ayaa sheegay in socdaalka uu ku marayo gobolka uu uga dan leeyahay in xabad joojin laga gaaro marinka Qasa iyo raadinta xal siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM