Masar: Koox ku takhasustay xatooyada albaabada laga galo xabaalaha oo la soo qabtay

Image

QALYUBIYA, Masar - Xafiiska Xeer Ilaalinta ee Gobolka Qalyubiya, ee waqooyiga Masar, ayaa baaraya kiis la yaab leh oo la xiriira koox burcad ah oo ku taqasusay xatooyada iyo iibinta albaabada xabaalaha.

Sida ku cad diiwaanka Taliska Nabad Suggida ee Qalyuubiya, Booliska ayaa warbixin ka helay dadka ku dhaqan tuulo ka mid ah gobolkaas, waxayna sheegeen inay gacanta ku soo dhigeen laba qof oo dhowr albaab oo bir ah ka dhacay xabaalaha tuulada.

Ilo dhanka ammaanka ah ayaa u sheegay warbaahina maxaliga ah in "kooxdan burcadka ah ay qirteen inay muddo ka ganacsanyeen birta uu ka sameysan yahay albaabka.

Ilaha ammaanka ayaa laga wariyay in Shan albaab laga soo qabtay eedaysanayaasha, marka lagu daro qalab albaabada lagu furto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM