Dowladda Masar oo la heshiisay Qadar

Image
Image
Image

QAAHIRA, Masar – Masar ayaa waxay heshiis dib-uheshiisiin ah la saxiixatay Qatar shirkii GCC, sidda ay sheegtay wasaradeeda arrimaha dibada xukuumada fadhigeedu tahay magaaladda caasimadda ah ee Qaahira.

Wasaaraddu ayaa intaas ku dartey in waddanku "uu qaddarinayo dadaal kasta oo daacadnimo ah oo loo sameeyay si loo gaaro dib-u-heshiisiin u dhexeysa waddamada afarta ah ee Carabta [Sacuudi Carabiya, Masar, Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn] iyo Qatar."

"Heshiiska wuxuu xoojin doonaa ficillada Carabta ee wajahaya caqabadaha gobolka, ayay tiri, waxay bogaadisay dadaallada dib-u-heshiisiinta saddexda qaybood ee Carabta iyo Qatar, gaar ahaan kuwa ay waddo Kuwait," ayuu wariyey telefishinka ay Dooxa leedahay ee Al Jazeera.

Kuwait ayaa habeenimadii Isniinta waxay shaacisay in Sacuudiga iyo Qadar ay ku heshiiyeen in ay isku furaan xuduudaha badda, dhulka iyo hawada. Go'aankaas wuxuu dhaqan galay isla goortii uu go’aankaas soo baxay.

Amiirka Qadar ayaa Talaadadii wuxuu ka qeybgalay shir madaxeedka dalalka Khaliijka oo ku qabsoomay boqortooyadda Sacuudiga.

Wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa shaacisay in dhamaan dalalka Khaliijka ay soo celin doonan xiriirka kala dhaxeeya Qadar.

Sanadkii 2017-kii ayay ahayd markii dalalka Khaliijka ay go'doomiyeen Qadar ayaga oo ku eedeeyay taageerida argagixiso iyo in ay u dhowdahay Iiraan. Dooxa waxay gaashaanka ku dhufatay dhamaan eedeymahaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM