Masar oo sheegtay in Itoobiya ay ku fogaatay buuxinta Biyo Xireenka Renaissance

Image

NEW YORK, Maraykanka - Wasiirka arrimaha dibadda ee Masar Sameh Shoukry ayaa sheegay in Itoobiya ay aad uga fogaatay buuxinta iyo ka shaqaynta biyo xireenka “Renaissance Dam”.

Hadalka Sameh Shoukry ayaa yimid intii lagu guda jiray khudbadii Masar ee ka hortimid Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee kalfadhigii 78-aad Sabtidii.

Shukri ayaa yiri, "Itoobiya waxay ku xad gudubtay sharciga caalamiga ah iyo heshiiska mabaadi'da ee la saxiixay 2015." Wuxuu intaas raaciyay: "Waan diidnay tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo lagu maareynayo kheyraadka biyaha xudduudaha isaga gudba, oo uu ku jiro biyo xireenka Renaissance.

Wasiirka Masar ayaa sheegay in dalkiisu uu wajahayo xaalad biyo la’aaneed oo aad u daran, maadaama Masar ay kaalinta koowaad kaga jirto liiska dalalka biyo yari ka jirto, maadaama uu yahay dalka ugu roobka yar marka loo eego dalalka caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu ka qeybgalo shir-madaxeedkii G20 ee Koonfur Afrika

Shir-madaxeedka G20 ayaa la filayaa in uu yeesho miisaan weyn, iyadoo laga hadlayo arrimaha dhaqaalaha adduunka.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 06:36AM

Turkiga oo amar xiritaan usoo saaray Netanyahu iyo mas’uuliyiin kale oo lagu eedeeyay “xasuuqa” Gaza

Amarrada xiritaanka Turkiga ayaa sidoo kale su’aalo ka keenay doorka ay Turkigu ka ciyaari karto ciidamada amniga caalamiga ah ee Gaza.

  • Caalamka

    08-11-2025

  • 06:48AM