Maskaxda ka dambeysay afduubka saxafiyiin oo la dilay

Image

PARIS, France - Askarta Faransiiska ayaa dilay dabley u dhashay Mali oo lagu tuhunsan yahay inuu mas'uul ka ahaa afduubkii iyo dhimashadii laba wariye oo Faransiis ah 2013-kii, sidda uu Jimcihii shaaciyey Wasiirka Difaaca Florence Parly.

Parly wuxuu sheegay in ciidamada Faransiiska ee gobolka Sahel ay ku dileen "afar argagixiso" hawlgal ay ka sameeyeen waqooyiga Mali 5-tii Juun, oo uu ku jiro Bayes Ag Bakabo, oo ah ruuxa ugu weyn ee looga shakisan yahay dhimashada weriyeyaasha raadiyaha RFI ee kala ah; Ghislaine Dupont iyo Claude Verlon.

"Dhimashadiisu waxay ahayd mid muddo dheer la sugayey," ayuu yiri Parly oo jihaad-aloosaha ku qeexay "maskaxdii ka dambeysay howlgalkaas qafaalashadda ah".

Labada wariye waxaa laga qabtay magaalada Kidal ee dhacda waqooyiga Mali dhamaadkii sanadkii 2013 kadib markii ay wareysteen hogaamiye kooxeed gooni u goosad ah oo ka tirsan Tuareg.

Meydadkooda oo rasaasta ay haleeshay ayaa la helay saacado yar kadib, iyadoo kooxda Al-Qaacidah ee Maghreb Islamic (AQIM) ay sheegatay in dilkan uu ahaa mid loogu aargudayay go’aankii Faransiiska ee ahaa inuu faragalin ku sameeyo kooxaha jihaad doonka ah ee ku sugan dalkaasi horaantii sanadkaas.

Baaritaan France ay ku sameysay dilka ayaa lagu soo gunaanaday in Bakabo, oo sidoo kale caan ku ah ka ganacsiga daroogada, uu gaari xamuulka qaada u adeegsaday afduubka labada weriye.

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa ku dhawaaqay yareyntii ugu weyneyd ee ciidamada Faransiiska ee gobolka Saaxil maalintii Khamiista, iyadoo haatan la qorsheynayo in si aad ah loo dhimo lagana jaro tirro 5,100 ciidan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM