Madax aad ugu dhow madaxweyne Erdogan oo laga helay Covid-19

Image

ANKARA, Turkey – Laba mas'uul oo si dhow ula shaqeeya madaxweynaha Turkiga ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in laga helay safmareenka Covid-19.

Ibrahim Kalin, oo ah afhayeenka madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, ayaa Sabtidii wuxuu sheegay in uu isku arkay astaamo yar oo cudurka ah.

Hase ahaatee, ma uusan kala caddeyn hadii uu dareemayo caafimaad darro, goorta uu marayo baaritaanka fayruska iyo in uu isbitaal tagay.

Hadaladiisa ayaa yimid saacado kadib markii wasiirka arrimaha gudaha, Suleyman Soylu, xaaskiisa iyo gabadh ay dhaleen laga wada haley safmareenka."Waad mahadsan yihiin annagu waanu wanaagsan tahay xoogaa," ayay kasoo xigatay warbaahinta maxaliga ah iyo tan ku hadasha afka dowladda.

Soylu ayaa bishii April lagu dhaliilay in uu iclaamiyey bandowgii koowaad ee Covid kaliya laba saacadood ka hor inta aanu dhaqan gelin, taasoo horseeday waxyeelo soo gaarey suuqyada. Madaxweynaha wuxuu diiday iscasilaadiisa.

Labada ninba waxay si joogto ah ula kulmaan Erdogan, oo Sabtidii u safrayay Izmir si uu u soo indha indheeyo khasaaraha ka dhashay dhulgariirkii halkaas ku dilay in ka badan 30 qof oo kasoo kala jeeda Turkiga iyo Griiga.

Hogaamiyaha Turkiga oo la wariyey in si joogta ah loo baaro, ayaan lagu arki astaamo, balse in uu dhaqdhaqaaqiisa badan yahay waxay u nug-leyneysaa in uu soo rito caabuqan asal ahaan kasoo bilowday wadanka Shiinaha.

Wasiirka Caafimaadka, Fahrettin Koca, ayaa Sabtidii xaqiijiyey 75 qof oo cusub oo u dhintay COVID-19 iyo 2,213 kiisas cusub oo la diiwaan-geliyey.

Tirada dadka ku geeriyooday faafida cudurka ee dalka ayaa waqti-xaadirkan waxay gaareysaa 10,252, halka wadarta guud ee kiisaska marayaan 375,367.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo Sheegay in Ruushka uu Bartilmaameedsanayo Ciidamada Reer Galbeedka Haddii La Geeyo Ukraine

Hadalkan ayaa yimid kaddib markii in ka badan 20 waddan oo reer galbeed ah ay ballanqaadeen inay taageeri doonaan Ukraine.

  • Caalamka

    06-09-2025

  • 11:18AM

Shiinaha iyo Waqooyiga Kuuriya oo Ballanqaaday Xiriir Adag iyo Iskaashi Cusub

Kim Jong Un ayaa ka dhoofay Beijing fiidkii Khamiista isagoo dib ugu laabtay dalkiisa kadib kulan gaar ah oo uu la qaatay Xi Jinping.

  • Caalamka

    06-09-2025

  • 09:11AM