Maxaa dhaxmaray Hogaamiyaha Xamaas iyo maxaabiista Israa’iil?

Image

QASA (GO) - Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in hoggaamiyaha Xamaas ee Falastiin Yahya Sinwar uu horay ula kulmay tiro maxaabiis ah oo ay ururka ku haysteen mid ka mid ah godadka dhulka hoostiisa mara ee Marinka Qasa.

Wargeyska “Yedioth Ahronoth” ee ka soo baxa Israa’iil ayaa xogtan ka soo xigtay maxbuus dhawaan la sii daayay iyo kuwoo kale oo xaqiijiyay in ay sidoo kale la kulmeen Sinwar.

Haweenay ka mid ah maxaabiista ay Xamaas sii daysay ayaa tiri in markii ay gacanta u galeen ururka ay socdeen muddo saacad ku dhow kadibna gudaha u galeen god dheer ilaa ay ka gaareen hool weyn oo ku dhex yaala.

Waxay sharaxday in maxaabiista ay la socdeen koox ka mid ah dagaalyahannada Xamaas, kadibna waxaa hoolka soo galay Sinwar.

"Wuxuu noo xaqiijiyay in aan la kulmi doonin dhibaato haba yaraatee, oo aan ku badbaadayno halkan." ayay tiri.

Ciidamada Israa’iil ayaa goor hore ku dhawaaqay in 11 maxbuus oo laga soo daayey Qasa ay soo gaareen Israa’iil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM