Maxaa ka jira in militariga Israel ay tageen Azerbaijan?

Image

BAKU — Azerbaijan ayaa beenisay eedeymo kaga yimid Iran, oo ah in militari Israeli ah ay joogaan dalkaas, kadib markii Tehran ay dhoola-tus militari ka sameysay xuduudda labada dal, taasi oo sare usii qaaday xiisadda ka dhex-oogan deriskan.

Iran ayaa eedeymaha ku saabsan cadowgeeda Israel sameysay Khamiistii, waxaana maalin kadib ay taleefishinada dowladda muujiyeen taankiyo iyo diyaarado dagaal oo duqeynaya bartilmaameedyo ku yaalla waqooyiga galbeed ee dalkaas, meel ku dhow xuduudda.

Israel ayaa ah dal hub badan siiya Azerbaijan, oo sanadkii tegay dagaal kaga adkaatay deriskeeda Armenia, oo ay isku qabteen gobolka lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Azerbaijan Leyla Abdullayeva ayaa sheegtay in sheegashooyinka Iran aysan sal alehyn.

“Waan diideynaa tuhunada ah in dhinacyo saddexaad ay joogaan xuduudda Azerbaijan iyo Iran, eedeymaha noocan ah, gebi ahaan waa kuwa aan sal laheyn,” ayey tiri Leyla.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Iran Hossein Amir-Abdollahian ayaa toddobaadkii tegay u sheegay safiirka Azerbaijan in dalkiisa uusan u dul qaadan doonin joogitaanka iyo dhaq-dhaqaaqyada Israel ee “meel ku dhegan xuduuddeena,” wuxuuna wacad ku maray inay qaadi doonaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah.

Hase yeeshee madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev ayaa cambaareeyey dhoola-tuska dagaal ee Iran isaga oo wareysi siiyey wakaaladda wararka Turkey ee Anadolu, wuxuuna is-weydiiyey “maxay tahay sababta iminka, maxay tahay sababta xuduudeena?”

Azerbaijan iyo Iran ayaa muddo waxaa ka dhaxeeyay xiisad ka dhalatay taageerada Tehran ee Armenia ee dagaalka sanadaha badan jiray ee Karabakh.

Tehran ayaa sidoo kale muddo ka welwelsaneyd isku day gooni u goosed oo ay sameeyaan qowmiyadda Azerbaijan oo ah 10 milyan oo ka mid ah 83-ka milyan ee shacabka Iran.

AFP

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM