Maxaa ka jira in Sucuudiga u diiday dalkiisa Sheikh Tahnoon bin Zayed, Ninka Labaad ee Imaaraadka?

Image
Wasiirka Warfaafinta Sacuudiga, Salman Al-Dossary (Bidix) iyo Sheikh Tahnoon bin Zayed Al-Nahyan (Midig).

RIYADH — Dowladda Sacuudiga ayaa si rasmi ah u beenisay warar ku faafay baraha bulshada oo sheegayay in Boqortooyadu ay diiday gelitaanka La-taliyaha Amniga Qaranka ee Imaaraadka Carabta, Sheikh Tahnoon bin Zayed.

Wasiirka Warfaafinta Sacuudiga, Salman Al-Dossary, ayaa Arbacadii qoraal ku daabacay bartiisa X, isaga oo sheegay in warkaasi yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn. “Sheikh Tahnoon wuxuu Boqortooyada iman karaa mar kasta oo uu doono, oggolaansho uma baahna. Sacuudi Carabiya waa gurigiisa, hoggaankeeduna waa qoyskiisa,” ayuu yiri wasiirku.

Sheikh Tahnoon bin Zayed ayaa ah Ku-xigeenka Taliyaha Abu Dhabi, isla markaana walaal la ah Madaxweynaha Imaaraadka, Sheikh Mohamed bin Zayed.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga, Amiir Faisal bin Farhan, ayaa Talaadadii sheegay in inkasta oo ay jireen aragtiyo kala duwan oo u dhexeeya Sacuudiga iyo Imaaraadka oo la xiriira xaaladda Yemen, haddana xiriirka labada dal uu yahay mid lama huraan u ah xasilloonida guud ee gobolka.

“Boqortooyadu mar walba waxay danaynaysaa in ay la yeelato Imaaraadka xiriir adag oo togan, maadaama uu yahay saaxiib muhiim ah oo ka tirsan Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC),” ayuu yiri.

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in ka bixitaanka ciidamada Imaaraadka ee Yemen uu yahay tallaabo dhisaysa xiriirka labada dal, isla markaana gacan ka geysan karta sii adkaynta iskaashigooda mustaqbalka.

Bishii hore, dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ayaa ka codsatay Imaaraadka in uu kala baxo ciidamadiisa dalka, kaddib markii Golaha Kala-guurka Koonfureed (STC), oo ay taageerto Abu Dhabi, uu la wareegay dhul ballaaran oo ku yaalla koonfurta iyo bariga Yemen.

Isbahaysiga milatari ee Sacuudigu hoggaamiyo, kaas oo taageera dowladda Yemen, ayaa 30-kii Diseembar sheegay inuu fuliyay duqeyn “xaddidan” oo lagu beegsaday hub la sheegay in si qarsoodi ah loogu waday STC.

Wasaaradda Difaaca Imaaraadka ayaa dhankeeda ku dhawaaqday in 2-dii Janaayo ay si buuxda u dhammaystirtay ka bixitaanka ciidamadeeda ee Yemen, tallaabadaas oo noqotay mid si weyn isha loogu hayo marka la eego saameynta ay ku yeelan karto xaaladda amni iyo xiriirka dalalka Khaliijka.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Pakistan: Wadahadalka lagu joojinayo dagaalka Mareykanka iyo Iran "waddadii saxda ahayd" ayuu ku socdaa

Sharif ayaa si gaar ah u ammaanay doorka muhiimka ah ee uu ciyaaray Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Pakistan, Field Marshall Asim Munir.

  • Caalamka

    25-05-2026

  • 11:07AM

Iran iyo Mareykanka oo isku Adeegsanaya Dhacdooyin Taariikhi Ah Xilli Heshiis La Sugayo

Mareykanka ayaa ku adkeysanaya in Iran si buuxda u hakiso kobcinta uranium-ka…

  • Caalamka

    24-05-2026

  • 09:07PM